Odhaahyo Cajiib Ah
✔️ Mararka qaar in la is khilaafaa waa mid daruuri ah oo loo baahanyahay si loo ogaado wajiyadan qurxoon iyo dhoola cadeyntan lagu tusayo xaqiiqada qadhaadh ee ka danbeysa.
✔️ Waxa Aynu noolnahay waqti aad ka baqayso saaxiibkaa in ka badan inta aad ka baqayso cadowgaaga.
✔️ Inaad dhibaatooyinkaaga qarsato oo aanad cidna la wadaagin waa mid xanuun badan..
Lkn waxaa kasii xanuun badan cawaaqibta ka dhalanaysa marka aad dhibaatooyinkaaga dadka la wadaagto oo la ogaado meelaha aad ka jilcantahay.
✔️ Waad ogtahay ficilada xunxun ee aad maalin walba sameynayso ee naftaada dhibaya dib udhacna kuu sababaya..
Hadana ma awoodid inaad joojiso, midaas weeyi itaal-darridu.
✔️ Inbadan haku kalsoonaan dadka, Ahow mid digtoon..
Mararka qaar ilkahaagu xattaa waxay qaniinaan carrabkaaga.
✔️ Dad aan rabin in ay ku arkaan adiga oo guuleystay hortooda in aad ku guuleysataa waa aargoosiga ugu qurxoon.
✔️ Waxyaabo xunxun ayey kaa sheegayaan markay kaa maqanyihiin, kadibna inta ay kula fadhiistaan bay kula qoslayaan iyaka oo ku tusaya jaceyl iyo soo dhaweyn.
Odhaahyo Cajiib Ah
✔️ Tarbiyaddaada wanaagsan iyo Akhlaaqdaada ayaa kuu diidaysa inaad qof ku xumeeyay aad xumaan ugu jawaabto.
✔️ Dunidan waxaa ka buuxa...
Khaa'in kaaga sheekaynaya daacadnimada, Tuug kuu sharraxaya macnaha sharaftu ay leedahay iyo Daalim kuugu hanjabaya in uu ku habaarayo.
✔️ Haku Hammin in aad ka fiicnaato dadka kale, Ku hammi in aad ka fiicnaato qofka aad shalay aheyd..
Maskaxdu way yaraataa marka ay ku mashquusho dadka kale, wayna kortaa oo waynaataa marka ay iyadu isku mashquusho.


Comments
Post a Comment