Qiimaynta iyo Qaderinta Qur'aanka iyo sunnada

◇Qiimaynta iyo qaderinta Qur’aanka iyo Sunnada



◇ Islaamku waa hab-nololeed cusub, cilmi ah oo aan weligii isbedelin ( new scientific way of life). Islaamku ma aha male-awaal aadane, ee waxaa dhaliiltir, dheellitir iyo dhammaystirba isugu daray Allihii awoodda, ogaanshaha iyo ilaaladaba lahaa. Islaamku waa cilmi dabagalkiisa iyo daahfurkiisaba uu leeyahay Allaah oo keliya. 

Waa aqoon sayniseed waayo wuxuu wax ka sheegaa dhacdo, wuxuu dhacdadaas ka sheegaa xaqiiq, xaqiiqdaasina marnaba ma beenowdo (ever truth). 

Wax ka horreeyey ama ka dambeeyey oo buriyey ama beeniyey ma jiro. 

Wuxuu ku salaysan yahay aragti caqliga ogol, cilmi xaqiiq ah, cibrooyin awood weyn leh, abuurayana isbedel cusub oo nololeed. 

Hase yeeshee, inteenna badani sidaas uma qadderiso Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Rasuulka (CSWS). 

Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Rasuulku waxay mudan yihiin in la siiyo qiimayn iyo qaderin gaar ah. Waxaa jirta in dad badani ay isku dayaan in ay is-waafajiyaan Qur’aanka Kariimka iyo culuunta sayniska. 

Waxay ku dadaalaan in uusan Qur’aanku noqon mid dambeeya oo ay waajib tahay in la dhinac wado daahfur kasta oo soo kordha. Arrintaas waxay meelkadhac ku tahay Qur’aanka Kariimka. 

Waxaa dhacda in dabagal cilmi u muuqda la rumaysto, muddo dabadeed, uu noqdo sidii loo aaminey si ka duwan, amaba ay soo baxdo mid kale oo babi’inaysa gebiba (new theory). Haddaba, Qur’aanka Kariimka waa in la siiyo qiimayn gaar ah, waayo uma dhowa umana dhigmo culuunta kale oo dhan sida aan ku arkidoonno qormooyinka soo socda: A) Qur’aanka Kariimku waa aqoon-sayniseed awood weyn leh (powerfull scientific knowledge).

 Qur’aanku waa awooddii Alle. Wuxuu wax walba ka sheegaa xaqiiqda. Wixii uu beeniyo wax rumayn kara ma jiraan, wixii uu xaqiijiyana wax beenin kara ma jiraan. Sidaa daraadeed, laguma dhererin karo Qur’aanka Kariimka nooc kasta oo cilmi ah si kasta oo ay u yihiin xaqiiq. 

Haddii, haddaba, ay timaaddo tijaabo sayniseed aad loo rumaysto, hase yeeshee, aan waafaqsanayn Qur’aanka Kariimka, tijaabadaasi ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waxay ku jireysaa horumarin iyo odoros joogto ah. Qur’aanku waa aqoon sayniseed awood weyn leh; B) Qur’aanka Kariimka waa la waafaqaa ee isagu waxba ma waafoqo (the standard). 

Qur’aanku waa cilmi xaqiiq ah oo wax burin karaa ayan imaan intii ay jirtey taariikhda daahfuryada dunida saynisku. Haddaba, Qur’aanku uma baahna in lala hoos cararo wax aan la ogayn xaqiiqdooda oo u baahan baaritaan qaata muddo aad u dheer.

 Muxkamka (provable) iyo mutashaabaha (improvable) ee Quraanku midna uma dhigmo nooc kasta oo cilmi kale ah. Aragti kasta oo cusub ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waa in lagu hayaa baaritaan iyo odoros. Sidaa daraadeed, Qur’aanka ayaa assal ah oo la waafaqaa ee isagu wax ma waafoqo. C) Qur’aanka Kariimka waa la xigtaa ee isagu waxba ma soo xigto (the reference). Qur’aanku ma aha male-awaal iyo male-odoros ee horay iyo gadaalba waa xaqiiq.

Taas oo macneheedu yahay in uusan isla bedelin isbedelka iyo horumarinta lagu hayo culuunta kale. Haddaba, Qur’aanku isaga ayaa ah midkii laga shidaal qaadanayey ee isagu waxba kama shidaal qaato; " AYUUB TAHIR"

Comments

Post a Comment