🌼Aabe🌼 ayaan ku idhi xagee u socotaa 🤔 Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow Safarkaygii halkan wuu dhamaaday
🌼Aabe🌼 ayaan ku idhi
xagee u socotaa 🤔
Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow
Safarkaygii halkan wuu dhamaaday, waan safri doonaa..
Waxaan ku idhi
Aabbe xagee 🤔?
Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow
Socdaalkeygu waa ka fog yahay hoyga beenta ayaan ka tagaya hoyga runtana waan u socda iyo
in aan kala tago kuwa aan jecelahay
Oo anigu waxaan aqaan qaddarka aan Eebbe agtiisa ku leyahay iyo midka aan agtiinna ku leyahay waan ku mahadinayaa..
waxaan ku idhi aabbe Socdaalkani ma noqon doonaa mid dheer?
Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow
Haa, way dheeraan doontaa ilaa Ilaahay dhaxlo dhulka iyo waxa korkiisa ah.
waxaan ku idhi aabbe
Ma haysaa wax saahi ah safarkaaga..
Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow
Haa, laakiin safarkaygu aad buu u fog yahay
Ma garanayo in sahidu igarsineyso iyo in kale
Markaa ii soo dir sahida.
waxaan ku idhi aabbe
Sideen kuugu soo diraa
Wuxuu yidhi, Wiilkaygiiyow, ilahi ii weydii
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ii dambi dhaafo oo uu ii naxariisto
I cafiyo, maxaa yeelay, haddi aad iga jojiso ducadda sahidu wey iga go'i.
waxaan ku idhi aabbe markale ma ku arki doonaa..
Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow
Haa, waxaad i arki doontaa marka safarkaagu dhamaado, sidoo kale.
waxaan ku idhi aabbo dardaaran isii intaadan bixin..
Wuxuu yidhi, wiilkaygiiyow
Noolow intaad rabto waad dhiman.
Jeclow kaad rabto, waad ka tagi doontaa.
Oo waxaad doonto yeel, waayo, waa laguu abaalgudi doonaa.
Aduunyada iyo qurxinteeda yayna ku sirin.
Bal eeg ka addunka oo dhan soo ururiyay Shaadhka mooyaane waxba kamuu qaadan.
Eebena ha la wadaajinna cidna, maqalna hadalka Eebbe: (Qur’aanka kariimka ah).
La hadal Eebbe: (Salaadda wajibka)
Eebana agtiisa ku wax dhigo : ( sadaqo )
Eebbana kula dhaqan: (Akhlaaqda suuban)
Oo had iyo goorba Ilaah la jir.
Allahayow noo dambi dhaaf intii dhimatay iyo inta dhimatay ee muslimka ah
Siina Jannada sare xisaab la'aan iyo cadaab la'aan
🌸💬 Naxariistaada adaa leh, Raxmaan Raxiim 🤲🤲
.jpeg)


Comments
Post a Comment