QAYBAHA CILMI NAFSIGA


 
Waxaan kula wadaagi doonaa 4 nuuc oo kamid nuucyada cilmi-nafsiga


Cilmi nafsiga waxaa loo qaybiyaa nuucyo badan dhiganahaan waxaan ku sheegi doonaa afar nuuc oo kamid ah cilmi-nafsiga, sidookale waa kuwa ugu saameynta badan qaybaha cilmi-nafsiga. 

1: Cilmi nafsiga caafimaadka (Health psychology)

Waa qayb kamid ah, qaybaha uu cilmi nafsigu aad uga Hadlay maxaa yeelay cilmi nafsiga caafimaadka wuxuu ubadan
yahay maskaxda bani’aadamka inta badan cudduradda ku dhaca maskaxda
bani’aadamka waxaa latacaala ama daaweeya cilmi nafsiga, marka waxaan darreemi karnaa inuu muhiim u
yahay noolaha qaasatan Bani’aadamka.

2: cilmi nafsiga warshadaha (industrial psychology)

warshaduhu waa la’aanta cilmi nafsiga ee khusaysa aragtiyaha nafsiga ah iyo mabaadi' da ururrada, warshaduhu waxay qabtaan howlo kala duwan oo ay ku jiraan barashada dabeecaddaha iyo hab-dhaqanka shaqaalaha, hadafka guud ee cilmi nafsiga
warshadaha, waa in la barto ama la fahmo dabeecadda aadanaha.

3: cilmi-nafsiga dabeecadda ( Behavioural psychology)

cilmi-nafsiga dabeecadda ayaa saameyn wayn ku yeeshay bukaan socodka, Tussaale ahaan adeebacadda qofka marka aad rabtid inaad ogaatid waxaa la sameeyaa wuxuu diidaayo qofka ayaa lagu soo celceliyaa, bukaan socod waxaan ula jeedaa qofka dabeecaddiisu ebar tahay. Sidookale cilmi nafsiga dabeedda waa laan kamid ah
cilmi nafsiga waxayna xariir la leedahay cilmi nafsiga bulshadda maxaa yeelay bulshada qof aan dabeecad
laheyn lama heshiin karo ama lama dhaqmi karo.

4: social psychology (cilmi nafsiga bulshada)

cilmi nafsiga bulshada waa qayb kamid ah cilmi nafsiga. ama cilmi nafsiga bulshada waa qayb kamid ah cilmi-nafsiga guud oo si wayn looga tixgeliyo addunka, sidoo kalana waa
daraasad cilmiyeed oo ku saabsan sida fikraddaha bulshada loo hormariyo sidookale dareenka iyo shakhsiyaadka kala duwan ayuu saameyaa cilmi nafsiga bulshadda . Cilmi nafsiga bulshadda wuxuu ka maareyaa walaaca iyo niyad jabka bulshada soo weeraro ama ay la kulmaan iyo arimaha kalee bulshada si ay u wanaajiyaan go’aan qaashadooda iyo hab-dhaqanka saxda ah ee mustaqbalka
ee ku salaysan faham dhaqankii hore.

Tussaale: waalidiintii hore ee 190s waxay lahaan jireen dhaqamo gooniya halka jiilka hadda jira ama dadyowga hadda jooga ay ayakuna leeyihiin dhaqan ugooniya, marka cilmi nafsiga bulshadu dhaqankii hore ama midka hadda jira wuu soo hoos galayaa.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga bulshada waxay caadi ahaan usharaxaan dabeecadda bani’aadamka inay tahay natiijada xadhiidhka ka dhaxeeya bulshada iyo maskaxda. Barashada cilmi nafsiga bulshadda ku saabsan waxay kaa caawin kartaa fahamka naftaada iyo addunka kugu xeeran, marka aad barato wax badan oo ku saabsan sida ay dadku u arkaan dadka kale, sida ay u dhaqmaan koox ahaan, iyo dabeecaddahooda loo ogaado waxaa kuu fududaanaysa inaad la dhaqanto.

Akhriste, waxaan rajeynayaa inaad wax uun ka faa'idey dhiganahan yar. Haddii aad ka heshay la wadaag asxaabtaada kale si ay uga faa'ideystaan. Mahadsanidiin!

W/Q: Akhriste.

Comments

Popular Posts