Waa maxay lixda(6) cilmi ee Falsafada?!!

Cilmigaaan Falsafada xuduud ma leh! Ha ahaaato politics, religion, economics, art, linguistics Waaa Cilmi Aad U Balaadhan . waxa jira lix mawduuc oo falsafadu taabanayso: 1. Metaphysics: Barashada koonka iyo xaqiiqada 2. Logic: Sida loo abuuro dood sax ah 3. Epistemology: Barashada aqoonta iyo sida aynu u kasbanno aqoonta 4.Aesthetics : Barashada fanka iyo quruxda 5. Siyaasadda: Barashada xuquuqda siyaasadda, dawladda, iyo doorka muwaadiniinta 6. Ethics: Barashada akhlaaqda iyo sida ay tahay in qofku u noolaado noloshiisa.
Asalka falsafada reer galbeedka. Asalka falsafada reer galbeedka waxaa laga dheh heli karaa shaqada faylasuufyada Giriigga ahaa qarniyadii shanaad iyo lixaad. Faylasuufyadan, oo markii dambe loogu yeero pre-Socratic ,waxeey bilaabayn ineey su'aalo iska waydiiyaan aduunka ku hareeraysan. faylasuufyadani waxay raadiyeen Sharaxado caqli badan kaasoo sharxi kara adduunka, koonka, iyo jiritaankooda. Faylasuufyadii ka horreeyay Socratic ayaa su’aal ka keenay, wax walba maxaa laga abuuray,sida dabeecadu noqon kartaa Hadii xisaab ahaan loo sharraxo, Waxay doonayeen inay helaan mabda'a aasaasiga ah, oo loo yaqaan archê, kaas oo ahaa maadada aasaasiga ah ee caalamka. Ereyga pre-Socratic, oo macneheedu yahay "Socrates ka hor," ayeeey soo shaac baxday sannadkii 1903 waxaan soo shaac bixiyey Aqoonyahan Jarmal ahaa Hermann Diels. Hadaba Akhriste Ma Waxaad Is Weeydiin philosophy Ma wax School Loo Galaaah Haa Dabcan Waxaa Jira Dugsiyo Ay dhigan Jireyn faylasuufyadii Hore Waxaana Ka mid ahaa School kii The Milesian School School Kaan Waxaa Uu Ku Yaalay Magaalada Miletus, xeebta galbeed ee Anatolia (Turkiga casriga ah). Dugsigaas waxa Kasoo Baxay Seddex Faylasuuf muhiim ah Waxaana Ka mid ah Thales, Anaximander, and Anaximenes. Ninka la yiraahdo Thales Wuxuu ahaa Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan xiligii (624–546 b.c.),sheegtay Inuu Gaaray archê Waxa uu ka mid ahaa Todobada Xikmad ee Giriigga. Waa Ninkii soo saaray Qaacidada Ah a2 + b2 = c2. Waxaad Is weeydiin soomaaha meesha ku aragtay Soo xasuuso Xisaabtiii Pythagoras's theorem . Ninkaan waxa Loogu Yeeraa Father Of Philosophy. Sidoo kalena waxaa waaye Ninka Ogaaday In Biyuhu la kulmi karaan mabaadi'da isbeddelka Sida evaporation and condensation,sidaas darteed u ogolaanaya in ay noqoto gaas ama adake(Solid) Thales xitaa wuxuu rumaysnaa in dhulku ku sabbeeyey biyaha.

Comments

Popular Posts