DHALINYARNIMO
DHALLINYARANIMO
Dhallinyarnimadu waa mudo ka mid ah cimriga qofka banii’aadamka ah waxayna sheegaan in ay ka bilaabanto qaangaadhka qofka kuna dhamaato afartan jir markuu gaadho qofku. Dhallinyarnimadu waa marxalad ay caruurtu jecel yihiin in ay gaadhaan waalidaduna ay jecel yihiin in ay u soo laabato mar kale. Dhallinyaranimadu waa awood u dhaxayso laba taagdari, taagdarada caruurnimo iyo taagdarada waayeeltinimo.Dhallinyaranimadu waa marka uu qofku ugu firfirccon yahay, wakhtigan Dhallinyaranimadu waa wakhti qofku diyaariyo wuxuu noqon lahaa mustaqbalka, Dhallinyaranimadu waa wakhti haddii ay ku kulanto qofka Xoog hammi sare caqli sax u fikiraayo uu guulo waawayn u soo hoynaayo diintiisa dadkiisa iyo dalkiisa.
AHMIYADA DHALLINYARANIMADA
Maadaama mudadan Dhallinyaranimadu sidaas u wanaagsan tahay Ahmiyada ay leedahay aad ayay u saraysaa waxaa ka mid
ah ahmiyada Dhallinyaranimada in Nabigu calayhi salaatu wassalaam uu waynaynaayay ixtiraamina jiray dadka ku sugan marxaladan. Ahmiyada ay leedahay waxaa ka mid ah in la is
waydiinaayo halkay ku dhamaatay Dhallinyaranimadu. Maalinta qiyaamaha ee waalidku ilmihiisa ka cararaayo ilmuhuna waalidkiisa. maalinta Ilmaha dhashay ciro u yeelayso idhnuhu
istaagayaan Ayaa waxaa la is waydiinayaa Dhallinyaranimada iyo halkay ku baxday waana la iskala xisaabtami. waxana marka la is
waydiinaayo waa markuu ahmiyad uu leeyahay. Waxaa ka mid ah in haddii qofku Dhallinyaranimadiisa uu wanaagsanaado cibaadadana uu ku barbaaro inuu badbaadaayo maalinta qiyaamaha hadhka Rabbina uu istaagi.
Marxaladan Dhallinyaranimada ah waxa ku xigo waa gabaw iyo taagdari; sidaas awgeed, ayuu Nabigu Dhallinyarada ku waanin jiray in ay ka faa’iidaystaan Dhallinyaranimada. Wuxuuna yiri isagoo nin Dhallinyar ah waaninaayo ‘’Dhallinyaranimada ka faa’iidayso
gabawga ka hor…’’ Nabigu wuxuu Dhallinyarada u tilmaamayaa in ay ka faa’iidaystaan marxaladan; waayo, waayeelnimada waxaa taalo, Asaasaq, hawl gabnimo, Ilko la’aan, walwal, in sida caruurta talaabadu gaabato. Waxyaabahan intay iman ka hor ka faa’iidaysta ayuu leeyahay Nabigu calayhi salaatu wassalaam.
gabawga ka hor…’’ Nabigu wuxuu Dhallinyarada u tilmaamayaa in ay ka faa’iidaystaan marxaladan; waayo, waayeelnimada waxaa taalo, Asaasaq, hawl gabnimo, Ilko la’aan, walwal, in sida caruurta talaabadu gaabato. Waxyaabahan intay iman ka hor ka faa’iidaysta ayuu leeyahay Nabigu calayhi salaatu wassalaam.
W/Q: Akhriste


Comments
Post a Comment