Marxaladaha ay la gaarka yihiin dhalin-yaradu
Marxalad kasta oo ka mid ah marxaladaha qofku maro waxay la gaartahay arimo gooni ah, marxaladan Dhallinyaranimadu waxay kaga duwan tahay marxaladaha kale arimo aad u muhiim ah waxaana ka mid ah.
WAAJIB
Qofku markuu ka soo gudbo caruurnimada ee uu u soo gudbo Dhallinyaranimada waxaa ku waajib noqonaayo waajibaad waxaana ubilaabmi in dambiyada iyo wanaagyadaba lagu qoro; sidaas awgeed, markuu qofku maraayo marxaladan waa in wax labaro wadadana loo tilmaamo xaqana loo cadeeyo si uu qofka Dhallinyarada ahi u noqdo mid Rabbigii mar kasti kaalmaysto.
AWOOD
Marxaladan Dhallinyaranimadu waa marxalad la gaar ah awood wax badasha, caalamka caruurnimada waxaa taalo taag dari. halka ciroolaydu caqli hayaan aysan hayn awood; laakiin, Dhallinyarnimada waxaa taalo firfircooni iyo awood. Wakhtigan Dhallinyaranimada awooda taalo haddii si khaldan loo adeegsado burbur ayay keentaa; laakiin, Islaamku caalamkuu ku qurxiyay Awoodii Dhallinyarnimada.
ISBADBADAL
Wakhtiga Dhallinyaranimadu waxyaabaha ay dheertahay marxaladaha kale waxaa ka mid ah isbadalyo badan oo uu qofka Dhallinyarada ahi uu sameeyo, haddii uusan helin Culumo waaniso iyo cuqaal khibrad la garabtaagan wanaagii uu ku soo koray wuu iska badali mana awoodaayo inuu sugnaado naftiisuna waxay u leexan shahwaadka iyo macaasida.
RAJOOYIN
Marxaladan markuu gaadho qofka waxaa ku soo kordhi inuu yeesho Rajooyin badan kuna saabsan noloshiisa dhinacyadeeda kala duwan haddi ay noqoto naftiisa ummadiisa dhulkiisa diintiisa.
UHIILINTA XAQA
Markuu Rabbi soo diray Rususha siduu qur’aanku sheegaayo duqaytidii badankood waxay ahaayeen kuwo beeniya waxayna odhanayeen Aabayaashay ayaan ka soo gaadhnay waxan aan caabudayno, xaqana wayka hor imanayeen.
Duqaytidu Nabi Ibraahiim calayhi salaam wayka hor imideen, Nabi Muuse calayhi salaam wayka hor imideen Fircawna wayku direen, halka ay Dhallinyarada badankood rumaysay; sidoo kale, Nabi Nuux calayhi salaam, Nabi Huud calayhi salaam Nabi Saalix calayhi salaam Nabi Shucayb calayhi salaam, dhammaan Nabiyadaa way ka horyiimaadeen duqaytidu; Laakiin, Dhallinyaradu wakhti kasta iyo meel kasta oo ay joogaan waxaa ay caan ku yihiin in ay xaqa raacaan una hiiliyaan; sidaas awgeed, Nabiyadii Rabbi soo diray badankoodu waxay ahaayeen Dhallinyaro, ciddii raacaysayna waxay u badnaayeen Dhallinyaro; Sidaas awgeed, Asxaabul Kahfi waxay ahaayeen Dhallinyaro, Nabigeena ciddii u hijlisay xaqana muujiyay Islaamkana faafiyay waxay ahaayeen Dhallinyaro Rabbi iimaanka uu ku manaystay. Intaasi waa waxyar oo ka mid ah waxyaabaha ay kaga duwan tahay marxaladani marxaladaha kale ee cimriga bin-aadamka.


Comments
Post a Comment