MARYAMAH BINT CIMRAAN
SHARAF GABDHEED WAA DHAWRSOONI
Maryama waa Gabadh ka mid ah aayad aayadaha Ilaaahay, waana Gabadh ku caan baxday Cibaado badni, Ikhlaas iyo in ay ahayd Gabadh aad u Dhawrsoon. Gabadhan Maryama waxaa Aabeheed la yidhaa Cimraan, waana Gabadha kaliya ee Quraanka lagu sheegay Magaceeda iyo Magaca Aabeheed.
Maryama bintu Cimraan Qoyska ay ka soo jeedo waxay ahaayeen qoys aad u Wanaagsan oo Akhlaaq iyo Diin lagu yaqaano. waxayna ahaayeen reer Banii’israa’iil, waxayna noolaayeen Wakhtigii Nabi Zakariye calayhi salaam, wuxuuna ahaa Nabigii Wakhtigaas loo diray reer Banii israa’iil, wuxuuna guursaday Maryama Walasheed; sidaas darteed, Nabi Yaxye calayhi salaam, oo uu Dhalay Nabi Zakariye iyo Nabi Ciise oo ay Dhashay Maryamo waa Dubri.
Qoyskan ay ka soo jeedo Maryamo, waa qoys uu Allaah doortay wuxuu yiri Rabbi ‘’Ilaahay wuxuu doortay Aadam, Nuux, ehelkii Ibraahiim, ehelkii Cimraan.’’ Allaah wuxuu aayadan ku tilmaamayaa inuu doortay Nabi Aadam calayhi salaam uuna u doortay inuu noqdo Aabaha basharka; Sidoo kale, inuu doortay Nabi Nuux calayhi salaam uuna u doortay inuu noqdo Rasuulkii ugu horeeyay ee loo soo diro Dadka, intay Shirki sameeyeen, ka dib; Sidoo kale, Allaah wuxuu doortay ehelkii Nabi Ibraahiim calayhi salaam sida Caruurtiisii wanagsanayd; sidoo kale, Allaah wuxuu tilmaamay inuu doortay ehelkii Cimraan Allaah-na wuxuu ka doortay dhamaantood Dadkii Wakhtigaa joogay.
Gabadhan Maryamo waxay ka soo jeedaa qoyskaa uu Allaah doortay. Suuratu Attaxriim Allaah wuxuuu Tusaale u soo qaatay afar haweena, labo ay Gaalo yihiin oo ah haweenaydii Nabi Nuux iyo tii Nabi Luud, wuxuuna tilmaamay Rabbi in ay Khiyaano halka Caqiidada ah ay ku sameeyeen labada Nabi oo ay rumayn waayeen.
Dhinaca Kale Rabbi wuxuu Tusaale u soo qaatay labo haween ah oo Muslimiin ah, waana Aasiya oo ah Fircawn sawjadisii iyo Maryama bintu Cimraan, Gabadhan Maryama waa Gabadh aad u qiima badan; Sidaas awgeed, Way mudan-tahay in Tusaale lagu soo qaato wayna u qalantaa.
Rabbi wuxuu yiri ‘’Xus markii ay tiri hawenaydii Cimraan, Rabbiyaw waxaan kuu nadray waxa Calooshayda ku jiro isagoo ah mid adiga kuu gaar ah ee iga aqbal, Adigu waxaad tahay mid maqal badan oo wax oge’’ markii ay ogaatay in ay Ilmo ay uurka ku sido ayaa waxay ku nadartay in ay Ilmahaa uu noqdo mid Allaah u gaar ah. waxayna rajaynaysay inuu Ilamahani noqdo wiil. si uu uga sheqeeyo baytul maqdis; laakin, wuxuu Allaah yiri ‘’markii ay dhashay waxay tiri Rabbiyaw waxaan ummulay gabadh.’’ siday doonaysay may-noqone; laakiin, siduu Allaah doonaayay ayay noqotay.
Rabbi wuxuu yiri ‘’Allaah uu og yahay waxay ummushay wiilkuna maaha sida gabadha.’’ Maryama hooyadeed ayaa dhahday ‘’waxaan ku magacaabay Maryama waxaanan kaa magan galinayaa iyada iyo Caruurteedaba Shaydaanka la dheereeyay’’ Maryama wuxuu Allaah ku manaystay hooyo wanaagsan oo aad Allaah ugu xidhan, Tawxiidkeeduna saxan yahay.
Markii ay hooyadan ummushay Maryamo way u ducaysay, Allaah-na way u bariday inuu Shaydaanka ka nabad galiyo Maryama iyo Caruurta ay dhali doontaba. Allaah-na uu aqbalay Ducadeedi uuna ka ilaaliyay Shaydaanka. Wuxuuna Nabigu calayhi salaatu wassalam tilmaamay in ilma kastoo dhasha Shaydaanku gujiyo illaa Maryamo iyo Ilmaheeda maahine.
Rabi wuxuu ka waramay inuu ka aqbalay ducadii wuxuu yiri ‘’Rabigeed uu ka aqbalay aqbal wanaagsan uuna soo barbaariyay barbaarin wacan waxaana kafaala qaaday Zakariye’’ Gabadhan waxa kafaala qaaday Zakariye calayhi salaam oo ahaa Nabigii wakhtigaa joogay, wuxuuna kala kulmay Maryama waxyaabo layaab leh.
Waxayna ahayd Maryama Gabadh aad u Cibaado badan. Allaah-na wuxuu siiyay karaamo aad u layaab leh, Rabbi wuxuu leeyahay ‘’Mar walliba uu Zakariye ugu soo galo mixraabka.’’ [mixraabka waxaa weeyi meelaha la fadhiisto meesha ugu wanaagsan,] ‘’Wuxuu ka helaa akteeda cunto wuxuu ku yidhi Maryamaay halkay kaaga ahaatay Cuntadan waxay ku dhahday Rabbi agtiisa ayay ka ahaatay Allaah-na cidduu doono bilaa xisaab buu ku arsaaqaa’’
Nabi Sakariye calayhi salaam markuu arkay in xaaladu sidaa tahay isagna Rabbi ayuu baryay wuxuuna waydiistay Caruur wanaagsan Rabbina uu siiyay. Gabadhan Maryama waa gabadh aad u qaaliya Rabbigeed-na ku xidhan. aadna u cibaadaysato illaa ay Culumada qaar ay sheegaan in magaca Maryama macnihiisu yahay ‘’tii cibadada badnayd.’’
Xaqiiqatanna waxay ka mid ahayd Gabdhaha ugu Cibaadada badnaa Wakhtigeedii. Sidoo kale, Rabbi wuxuu kaga waramay Qisada Maryama Suurada la magac baxday Magaceeda Maryama Rabbi wuxuu yiri ‘’Kaga sheekee kitaabka dhaxdiisa Maryama’’ Xaqiiqatan waxaa sharaf ugu filan Gabadhan in Rabbi Qur’aanka kaga waramay iyadoon ahayn Nabi, Rasuul, ama Malagtoona.
Rabbi wuxuu doonay in ay Qisadani ay ina soo gaadho; waayo, Gabadhani waa Gabadh Rabbi agtiisa ku leh sharaf, iyo qiimo wayn. Rabbi wuxu yiri ‘’Kaga sheeke kitaabka dhexdiisa Maryama markii ay ka fogaatay ehelkeedii, ‘’una fogaatay’’, meel cadceed kasoo baxa ah’’ waxay leeyihiin Culumadu waxay uga fogaatay ehelkeedii in ay soo Cibaadaysato. Rabbina waxyaabuhuu u doortay waxaa ka mid ahayd in ay Rabbi adeecdo.
Siduu kaga waramay Suuratu Aali Cimraan malaa’igtoo lahadlayso ayaa waxay ku dheheen ‘’Maryamaay adeec Rabbigaa una sujuud una rukuuc kuwa rukuucsan macooga’’ markay Dadkii ka fogaatay Rabbi wuxuu yiri ‘’waxay samaysatay Dadkii sokadood astur/xijaab’’ maxay u samaysatay Xijaabka oo ay iskaga qarinaysaa Dadka, Culumadu waxay leeyihiin maadaama ay Cibaado badnayd ayaa waxay doonaysay in ay la dhuumato Cibaadadeeda si ay uga ilaaliso Istusnimada iyo waxyaabaha Camalkeeda burinaaya.
Rabbi wuxuu yiri ‘’waxaan u soo dirnay ruuxdayadii, ‘’malaku jibriil’’ wuxuuna iskugu soo eekaysiiyay qof dhamaystiran’’ Culumadu waxay leeyihiin wuxuu qof iskaga soo dhigay ayaa ah in ay Maryama awoodayn aragiisa haduu ugu yimido abuurkiisa saxda ahaa. Maryama waxay ku caan baxday Akhlaaqda wanaagsan iyo in ay sinada ka fugaato, suurada kalana wuxuu Allaah uu ku amaanay in ay tahay Gabadh ilaalisay Xubinteeda taranka.
Markuu Malaku Jibriil u yimiday isagoo iskugu soo eekaysiiyay wiil, Maryama way cabsatay waxayna u malaysay inuu yahay Qof rabo inuu fara xumeeyo. ‘’Waxay ku dhahday waxaan magan galayaa Raxmaanka hadaad tihid mid Allaah ka baqaaya’’ Maryama waxay ku sugan tahay meel Cidlo ah, Dadkeediina uma muuqdaan waa Gabadh ilaalsanayso Sharafteeda iyo Akhlaaqdeeda, markay aragtay waxay iskugu dartay labo arimood oo kala ah, takoobaad, in ay Allaah kaalmaysatay takale, in ay waanisay wiilkan.
Gabadha Muslimada ahna waa sidaas in ay ilaalsato Sharafteeda ay kana Dhawrsato Raga ajnabiga ka ah. Waxaala sheegaa markii ay Maryamo ay ku dhahday Jibriil kalmadan ah Raxmaankaan kaa magan galay inuu gariiray wuxuuna ku dhahay Jibrii ‘’anigu waxaan ahay uun ergo uu soo diray Rabbigaa si aan kuu siiyo wiil daahira’’ [Dambiyada ka nadiifa.] Halkan hadalka Jibriil wuxuu tilmaamayaa inuu isagu siinaayo Ilmaha; laakin, inuu fahankaagu dib kuula hadhin oo uu Haawiyo iyo Naarkugu aroorine, Allaah ayaa bixiyo Caruurta; laakiin Jibriil waa loo soo dhibay wuxuu siinayaa Maryama waa wax loo soo dhiibay.
Waxay tiri ‘’Maryama siduu iigu ahaani Ilmo aniga oo itaaban bashar anan ahayna mid Sinaysato’’ wuxuu ugu jawaabay ‘’sidaa ayuu dhahay Rabbigaa’’ [adigoon bashar ku taaban, ahayna mid Sinaysatay ayaan ku siinaynaa]. Rabbi wuxuu yiri ‘’Aniga uu igu fudud yahay waxaanan Dadka uga dhigaynaa calaamad,[tusinayso jiritaanka Allaah] iyo Naxariis anaka inaga ahaatay wuxuuna ahaaday arin laxukumay’’ [inaan Wiil ku siino waa arin aan xukunay mar hore.] Rabi wuxuu dhahay ‘’way xanbaartay’’ [uur ayay qaaday] ‘’waxayna ula fogaatay meel fog’’ Maryama uur ayay yeelatay Rabbi Aayado kale wuxuu ku sheegay inuu Allaah ruuxdiisa lagu afuufay.
Waxay Culumadu dhahaan Jibriil ayaa wuxuu ka afuufay Maryama diracay sidatay halka qoorta laga galiyo; ka dib, neeftiisi waxay u dhaadhacday halkaa iyo farjiga wayna gashay; ka dib, waxay tagtay Ilma galeenka uurkiina sidaas ayay ku qaaday Maryama, waxayna uur lahayd sida raajixa ah sagaal bilood sida haween ka kale. Rabbi wuxuu yiri ‘’Fooshii ayaa keentay geed Timireed Jiridii waxayna dhahday hoogaygee maan dhinto intan ka hor oon noqdo ilaw la iloobay’’ Marayama waxaa u haleeshay Fooshii waxayna joogtaa geed Timireed hoostii, waxayna ku calaacalaysaa hoogaygee maan mar horaba iska dhinto; sababtoo ah, waxaa taabatay dhibaatada fooshu ay leedahay.
waxaa dhacdo ahaan lahayd hadii ay Dad ehelkeedii ah iyo dhakhaatiir ay la joogi lahaayeen in ay dhibaatadu ka yaraan lahayd; laakiin, waa cidlo waxaa kaga sii daran dhibaatada foosha in yar ka dib markay dhasho Ilmaha ee ay Dadkeedii ula tagto waala waydiin, maxay ku dhihi doontaa, Maryama way yaaban tahay, wax ay samayso mataqaan, haday Dadkeeda ula tagto way adagtahay si ay u rumaystaan; sababtoo ah, ma macquulbaa Dadkan beeniyay Nabiyadii iyo waxyigii in ay rumaystaan Maryama.
Maryama xaalkeedoo halkaa maraayo ayuu Rabbi wuxuu dhahay ‘’waxaa ka dhawaaqay hoosteeda, [Nabi Ciisaa hoosteeda ka dhawaaqay] subxaanallaah Rabbi wuxuu yiri suuratu al xajj ‘’Ilaahay isagaa difaacayaa kuwa rumeeyay’’ Rabbi wuxu ballan qaaday inuu difaacayo kuwa isaga rumeeyay. Maryamana waa Gabadh xidhiidhkay la leedahay Ilaahay uu yahay mid aad u fiican.
Ilaahay ayaana ka dhabeeyay yaboohiisii wuxuuna ku difaacay Maryama Wiilkii ay ummushay hada, Markuu ka dhawaqay Nabi Ciise calayhi salaam hoosteeda wuxuu yiri ‘’Hamurugoon Rabbigaa wuxuu hoostaada ka yeelay wabi biyo ah waxaanad ruxdaa jirida geed Timireedka wuxuu kaaga soo daadini midho wanaagsane’’ haweenay waliba umul ah ayaa la leeyahay geedka rux.
Ilaahay wuxuu ina barayaa inaan asbaabta aan ka tagin. wuxuu ku yiri Nabi Ciise calayhi salaam hooyadii ‘’cun, [timirtan wacan] cab, [biyahan] kuna ilqabawso, [Ilmahaagan] ‘’hadaad aragtid qof dadka ka mid ahna waxaad ku dhahdaa anigu waxaan Allaaha raxmaanka ah u nadray inaan aamus-naado qofna lama hadlaayo maanta’’.
Rabbi si wacan ayuu u difaacay Maryama wuxuuna ka hadal siiyay Ilmihii hada dhashay oo ah Nabi Ciise, hadday noqoto dhinicii Cuntada, dhinicii Cabitaanka, iyo sidii ay ku wajihi lahayd Dadka, intaba uu ka baahi tiray, Dadkiina isagaa lahadli doona sidaan arki doono; intaa ka dib, Maryama way dagtay walwalkii ayaa ka tagay; waayo, Cunno iyo Cabitaan way haysataa jawaabtii Dad kalana waxaa u diyaara Ilmaheeda.
Rabbi wuxuu yiri ‘’Way ula timi iyadoo xanbaar-san waxay dheheen ‘’Maryamaay waxaad la imatay been abuurad wayn Haaruun Walaashiiyeey Aabahaa ma ahayn qof xun hooyadaana ma ahayn mid sinaysata’’ waxaa dhacay waxay ka baqaysay oo ah hadalka Dadka, waana la waydiyay halkay ka keentay.
Haaruun walaashiiyey markan ay dheheen maaha Nin la dhashay; laakiin, siduu Nabigu tilmaamay waxay isku magacaabi jireenmagacyada Nabiyada. Maryama markii sidaa lagu yiri ‘’waxay farta ku fiiqday Nabi Ciise’’ waxay dheheen tolkeedii ‘’Sideen ula hadalnaa Ilmayaroo dhabta jiifa’’ waxay dheheen [waa jees jees halkii ugu dambaysay waxaad inoo la imitay Ilmo oon ka yaabanahay hadana waxaad leedahay Ilmihii yaraa la hadla ma-wax-macquul ah baa] ayay taagan yihiin.
Waxay xaaladu halkaa marayso waxaa hadlay Nabi Ciise calayhi salaam wuxuu yiri ‘’Waxaan ahay adoonkii Ilaahay, wuxuuna isiiyay kitaab, wuxuuna iga dhigay Nabi, wuxuu kaluu iga yeelay mid barakaysan meel kastoon joogo, wuxuuna ii dardaarmay salaada iyo sakada, intaan noolahay. wuxuu kaloo iga yeelay mid u baariya hooyadii, igamana yeelin mid ad-adag oo hoogay. Nabad galyo korkayga ha ahaato Maalintaan dhashay, Maalintaan dhimanaayo, Maalinta la isoo saraayo anoo nool.’’
Nabi Ciise calayhi salaam wuxuu tilmaamay inuu yahay adoon Ilaahay siiyayna Rabbi kitaabka injiil; sidoo kale, inuu ka yeelay Nabi iyo mid barakaysan hooyadiina u baariya Nabi Ciise calayhi salaam dadku waxay ugu kala qaybsameen sadex qaybood.
Qayb, Nasaarada ka mid ah waxay dheheeen waa Ilaahay/wiil Ilahy, kuwa yidhi hadalkan waxaa jawaab u ah hadalkii ugu horeeyay ee uu ku hadlay Nabi Ciise ee ahaa ‘’Waxaan ahay adoonkii Ilaahay’’ Nabi Ciise hadalkan wuxuu ku tilmaamayaa Xaqiiqdiisa oo ah inuu ahayn Ilmo Ilaahay, iyo Ilahay midna, wuxuu cadeeyay inuu yahay adoon Ilaahay.
Qaybta kale; ayaa ah Yahuud waxayna dheheeen waa Ilmo ku dhashay Sino. Sabxaanallaah aad ayuu uga fog-yahay Nabi Ciise calayhi salaam inuu noqdo Ilmo ku dhashay Sino. kuwaasna waxaa jawaab u ah hadalkuu yiri ‘’Wuxuu Allaah iga yeelay mid hooyadii u baariya’’ haduu Aabo lahaan lahaa muxuu u sheegi wayay uu u dhihi waayay [wuxuu iga yeelay mid baari u ah hooyaday iyo Aabahay] laakiin, sidaa muu dhihin kaliya wuxuu sheegay inuu hooyo leeyahay.
Rabbi markuu sheegay hadalka Nabi Ciise wuxuu yiri ‘’kaasi waa Ciisihii ina Maryama ahaa, [cida hadalkan ku hadashay,] ‘’hadal xaq ah weeyi ee ay ka shikisanaayeen’’Rabbi wuxuu sii raaciyay intaa inuu Ilaahay u sugnaan Ilmo Allaah ayaa ka hufan, hadalkaa xun ee ay leeyihiin Rabbi ayaa Ilmo samaystay, markuu go’aamiyo Rabbi arin wuxuu dhahaa uun ahaw uuna ahaadaa] ka dib; Nabi Ciise wuxuu yidhi ‘’Ilaahay waa Rabbigay iyo Rabbigiinee caabuda waataas wadada toosaniye’’.
Nabi Ciise calayhi salaam wuxuu u sheegayaa Dadka inuu Allaah uu yahay Rabbigiisa iyo Rabbigood, Wuxuuna ugu yeedhay in ay caabudaan Rabbi kana tagaan caabudida waxa ka soo hadhoo dhan. wuxuuna tilmaamay wadada saxda ah in ay tahay in Rabbi la caabudo.
Qaybta saddexaad ayaa ah Dadka rumaysan inuu yahay Nabi Allaah soo diray, Aaminsanna inuu yahay Adoon Rabbi, rumeeyayna Kitaabkii lagu soo dajiyay, waana Muslimiinta.
Qisadan Maryama waa qiso xanbaarsan Casharo aad muhiim u ah, bilawgeeda illaa dhamaadkeedana waxyabahaan ka qaadanayno waxaa ka mid ah, in Caruurta Allaah lamagan galiyo siday samaysay Maryama hooyadeed. lagana ilaaliyo in loo xidho Qardhaaso ama wax la mid ah, iyadoo ladhahaayo Ishay ka dawo tahay ama Shaashada ayay ka ilaalinaysaa.
Bilawga hore ayay tahay inaad Caruurtaada hooyadood u doortid hooyo Caqiidadeedu saxan tahay, ama in ay Gabadhu Caruurteeda Aabahood ay u doorto Aabo aan khuraafaad aaminsanayn.
Waxaan kaloon ka qaadanaynaa in ducada waalidku ay saamayn wayn ku leedahay Caruurta ayna wax wayn ka badasho. Maryama hooyadeed markay u ducaysay Maryama iyo Caruurteeda ducadii Allaah uu aqbalay Shaydaankana uu ka ilaaliyay siduu tilmaamay Nabigu calayhi salaatu wassalaam.
waxaan kaloon ka faa’iidaynaa in Caruurta lagu barbaariyo khayrka. Dhallinyaro wax yaabaha ugu waawayn een ka faa’iidayno Qisada Maryama ayaa waxaa ka mid ah, in Rabbi xidhiidh lala yeesho in ay badbaadadu ku jirto, Haduu qofku hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeyo isaga iyo Rabbi inuu Rabbi garabsiinaayo, ugana gargaaraayo dhibaatooyinka is garab dhacaayo iyo Aafooyinkan is daba muuqdo iyo Hamiga kala duwan ee ay Noloshani ku caan baxday.
Waxyaabaha aan ka faa’iidayno waxaa ka mid ah Diinta, Akhlaaq wanaaga, Dhawrsanaanta, Karaamada, Sharafta, Xishoodka, Asturnida, Alla ka baqa, iyo Gobanimada ay leeyihiin Gabdhaha Muslimiintu. Maryama waa gabadh ku caan baxday Asturnida iyo in ay ka dheertahay Sinada, waa Gabadh mudan ku dayasho, mudan in lagaga daydo Akhlaaqdeeda wanaagsan. waana sifooyin gabdho badan ay maanta saboolnimo kaga sugan yihiin.
Waxaan ka qaadanaynaa Qisada in cibaadada laga ilaalsado Shirkiga kiisa wayn iyo kiisa yarba siday Maryama uga ilaalisay, Qofna ha uga waramin Camalkaaga sidaad dambigaaga u qarisid Camalkaaga wanaagsana u qarso.
Waxaan ka qaadanaynaa in Asbaabta lala yimaado. hadaad Aqoon doonaysid inaad Rabbi kaalmaysatid una dhaqaaqdid, Arsaaqda u dhaqaaqdid, Shinbiruhuba Subixii ayay duulaan waxayna la yimidaan dulimaadkii oo sababtii ah, Janno ayaad rabtaa la imo waxyaabihii sababaayay, hadaf kasti wuxuu leeyahay sababo lagu gaadho, ma macquulbaa inuu Qof dhaho waxaan raba inaan Caruur ii dhalato mana guursanaayo, maaha macquul, la imo asbaabta.
siduu Jibriil asbaabta ula yimiday oo ah inuu ku afuufay Maryama, ula imo asbaabta siday Maryama ula imatay asbaabta oo ah in ay ruxday/gil-gishay jirida Geedka, asbaabta samee dadaal xoog ahna bixi natiijadana Rabbi u daa.
Waxaan ka qaadanaynaa inuu Nabi Ciise calayhi salaam uu ahaa aayad/calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbi, waxaanan rumaynaynaa inuu ahaa Adoon Rabbi iyo Nabi Allaah soo diray, waxaan rumaynayna Kitaabkii lagu soo dajiyay. Waxaan kaloon ka faa’iidaynaa waynida awooda Rabbi subxaanah, wuxuu abuuray Nabi Aadam hooyo iyo Aabo la’aaan, hooyadeen-na wuxuu ka abuuray Aabaheen Aadam, Nabi Ciisana wuxuu ka abuuray hooyo isagoon Aabo la’aan ah, Dadka kalana wuxuu ka abuuray hooyo iyo Aabo.
Waxaana ka wayn abuurka Dadka abuuritaanka samooyinka, iyo dhulka, Rabbina wax walliba uu awoodaa Arimaheenana isagaa maamula wuxuuna inooga yeeli sida ugu wanaagsan.
Waxaan ka faa’iidaynaa qiimahay ka leedahay Maryama Rabbi aktiisa.
Waxaan ka qaadanaynaa Qisada Maryama dhaqanka waalidadu in uu Caruurta saamaynaayo, Maryama hooyadeed iyo Aabaheedba way wanaagsanaayeen iyadna way wanaagsanaatay waa halkay Soomaalidu dhahaan ‘’Awrba awrka ka horeeyuu socodkiisa leeyahay’’ sidaas darteed, waalidku waa hogaamiyaha Nolosha Caruurta.
Waxaan ka qaadanaynaa Qisada in ay Diinta Islaamku ay Gabdhaha aad u sharaftay, bal u fiiirso Gabadhan Maryama Allaah siduu u koryeelay, Rabbi qoyskii ay ka soo jeeday ayuu amaanay illaa suurad dhan lagu magacaabay magaca qoyskan aali cimraan, waxaa la amaanay ciddii kafaala qaaday; sidoo kale, Ilmaheedii ayuu Rabbi amaanay, wiilkay habada u ahayd oo ahaa Nabi yaxye ayuu Allaah amaanay, iyada Maryama ah ayuu Rabbi amaanay, Illaa uu Rabbi soo dajiyay suurad dhan oo layidhaa Maryama.
W/Q: Akhriste



Comments
Post a Comment