QISADII LABADII DHALIN-YARO
QAABIIL IYO HAABIIL
Qaabiil iyo Haabiil waa laba Dhallinyaro ah, waana Dhallinyaro kuwii ugu horeeyay ee soo maray nolosha Banii’aadamka. Dhallinyaradan ayuu Qur’aanku inoo soo gudbiyay qayb ka mid ah noloshoodii. qisadan ayuu Allaah ku sheegay Suuratu Al maa’idah waxayna xambaarsan tahay oo ay ina baraysaa casharo aad u xeel dheer qisadiina waatan.
Rabbi wuxuu yiri ‘’ku dul akhri korkooda warkii ilmo Aadam isagoo xaq ah.’’ Allaah wuxuu amrayaa Nabiga calayhi salaatu wassalaam, inuu ku dul Akhriyo Gaalada iyo Dadka-ba guud ahaan warkii Ilmo Aadam calayhi salaam oo run iyo Xaqiiqo ku dhisan. waxaana la odhan jiray Caruurtan uu dhalay Nabi Aadam calayhi salaam Qaabiil iyo Haabiil sidaa waxaa yiri Cumar ibnu khadaab, ibnu Cabaas, Mujaahid, Qataadah, iyo kuwa kale.
Muxuu yahay warka lagu dul akhrinaayo Dadka?
Allaah wuxuu leeyahay ‘’Markii ay Sadaqadaysteen Sadaqo oo mid-kood laga aqbalay mid-kii kalana aan laga aqbalin’’ Allaah ayay ugu dhawaadeen wax bixin ay la bexeen. Culumaduna waxay ka hadlaan wixii sababay in ay Sadaqada la baxaan waxay dhahaan.
Nabi Aadam calayhi salaam ayaa waxaa u dhalan jirtay Mataano Wiil iyo Gabadh ah. Nabi Aadam-na wuxuu isku dhisi jiray Caruurtiisa; waayo, ma jirin dad aan iyaga ahayn; sidaas darted, Nabi Aadan calayhi salaam wuxuu iskugu Guurin jiray is waydaar Wiilka iyo Gabadha Mataanaha ah iskumuu Guurin jirin, Wiilka wuxuu u Guurin jiray Gabadh kale, Gabadhana Wiil kale. Waxaa Mataano ahaa Qaabiil iyo Gabadh la dhihi jiray Iqliimiya waxayna ahayd Gabadh Qurxoon. dhinaca kale, waxaa mataano ahaa Habiil iyo Gabadh la dhihi jiray libuuda, waxayna ahayd Gabadh aan qurxoonayn.
Qaabiil iyo Haabiil waxay gaadheen wakhtigii Guurka. Nabi Aadam calayhi salaam ayaa doonay inuu u guuriyo wuxuuna amar ku siiyay in ay gabdhaha isku badalaan oo ahayd sidii uu Aadam calayhi salaam iskugu dhisi jiray, markay halkaa marayso wiilkii Haabiil ahaa uu qaatay amarkii Aabihii wiilkii Qaabiil-na uu diiday uuna ku gacan saydhay amarka Aabihii wuxuuna yiri “Walashay aniga Mataantayda weeyi anigaana u xaqle” maadaama uu diiday Qaabiil arinkii uuna ku qanci waayay, Nabi Aadam calayhi salaam iyo labada Wiil waxay isku raaceen in ay sadaqo bixiyaan ciddii laga aqbalo sadaqada ayaa qaadani Gabadha qurxoon, arinkan ayaa la isku raacay, Qaabiil wuxuu ahaa Nin beeraley ah, isagaana ka waynaa Haabiil. Haabiil-na uu yara wuxuuna ahaa, xoola dhaqato Adhi ayuuna lahaa. Wiilkii Qaabiil ahaa wuxuu Sadaqadaystay Daaq/Tigaad aad u liidata, waxaana la sheegaa inuu lahaa markuu Sadaqadaysanaayay ‘’ha la aqbalo ama inaa la aqbalin aniga waxba igama galin’’.
Wiilkii Haabiil ahaana wuxuu Sadaqadaystay wan waynoo cad geesana leh aadna u shilis/naaxsan ahna wanka Adhigiisa ugu wanaagsan, Culumadu waxay sheegaan inuu Adhigiisa ugu jeclaa wankan Jacylkuu u qabay awgii ayuu xambaari jiray mararka qaar.
Allaah wuxuu ka aqbalay Haabiil, Qaabiil-na waa lagu soo celiyay Sadaqadiisii; maadaama, laga aqbali wayay Qaabiil oo sidaa lagaga qaatay Gabadhii qurxoonayd uu cadhooday wuxuuna ku yiri Haabiil ‘’waanku dili’’ Qaabiil wuxuu qaatay go’aan aad u khaldan oo ay Cadho iyo Xaasidnimo ku dhisan, Haabiil ayaa ku dhahay ‘’Allaah wuxuu ka aqbalaa kuwa Allaah kabaqa’’ Haabiil isagoo Walaalkii dajinaayo oo hadalka sii wato ayuu ku dhahay ‘’hadaad ii gacan qaado si aad iidishid anigu kuu gacan qaadimaayo’’.
Muxuu isku difaaci waayay Haabiil??
Cabdillahi ibnu Cumar ayaa wuxuu yiri Haabiil ayaa ka Xoog waynaa Qaabiil; laakiin, uu dhibsaday inuu u gacan qaado; Sidoo kale, waxay sheegaan in ay waajibku ahayd in ay cidna dilin hadii la soo Weerarana ay is difaacin; laakiin, Allaah ayaa Xaqiiqda og; laakiin, Sharcigeena way banaantahay in qofku uu difaacdo diintiisa, iyo dhulkiisa, iyo hantidiisa.
Wiilka Haabiil oo la hadlaayo Qaabiil ayaa isku dayay inuu Waaniyo uu Allaah Xasuusiyo wuxuu ku dhahay ‘’Waxaan ka baqayaa Rabbiga Caalamiinta’’ [waxaa ii diidaayo aniga inaan kuu Gacan qaado ayaa ah Alle ka baq] ‘’Waxaan rabaa inaad la noqotid Dambiga Dilkayga iyo Dambiyadaada, ka dibna, aad noqotid ku Naarta u saaxiiba inaad [naarta gashidna] waa abaal marinta kuwa Daalimiinta ah.’’
Wiilkii Haabiil ahaa uu Waaniyay Walaalkii wuxuu u sheegay isagu inuu dhawraay oo u Gacan qaadayn; dhinaca kale, Allaah ayuu Xasuusiyay wuxuu kaloo u sheegay in uu Dilku yahay dambi; sidoo kale, wuxuu u tilmaamay in Dambigan lagu galo Naar; laakiin, Ninkan Qaabiil ah Xaasidnimadaa biyo dhigtay, Cadhaduna way indhatirtay, Aduunyo Jacayl-na wuxuu ilawsiiyay Qiimaha Walaalkii, halista Dambiga iyo waynida Ciqaabka Rabbi.
Wuxuu Allaah subxaanahuu watacaalaa yiri ‘’Naftiisii ayaa u qurxisay Dilka Walaalkii wuuna Dilay wuxuuna ahaaday kuwa Khasaray’’ Qaabiil uu diiday uuna ka dhaga adaygay inuu qaato Amarkii Aabihii uuna Khilaafay, imikana wuxuu diiday inuu qaato waanada walaalkii Haabiil, wuxuna fuliyay go’aankii khatarta waynaa ee ahaa dilka walaalkii.
Ibnu Cabaas, iyo ibnu Mascuud, waxay dheheen, ‘’wuxuu arkay isagoo hurdoo ka dib dhagax ayuu Madaxa kaga bushaaqiyay.’’ waxay sheegaan Culimada qaar sida ibnu Jurayj, iyo Mujaahid, ‘’wuxuu garan waayay siduu u dili lahaa; ka dib, Shaydaan ayaa soo qaaday Xayawaan, Qaabiil hortiisa intuu la imiday ayuu Madaxa Dhagax kaga bushaaqiyay si uu ugu daydo Qaabiil.’’ kuwa kalana waxay dheheen, ‘’aslanba uu iska yaqaanay sida wax loo dilo.’’
Isku soo duub siduu doonaba ha u dilee uu dilay walaalkii. Allaah-na wuxuu yiri ‘’Wuxuu ka mid noqday kuwa Khasaaray’’ dabcan wuxuu ka mid noqday kuwa khasaaray Aduun iyo Aakhiraba, Aduunkii Aabihii ayuu Caasiyay walaalkiina wuu waayay, Aakhirana waxaa ku sugayso Ciqaab iyo Cadaab. ka dib, markuu dilay Allaah wuxuu dhahay ‘’Allaah wuxuu u soo saaray Tuke Dhulka faqaayo si uu u tuso qaabkii uu u asturi lahaa maydka walaalkii’’ waxay dhahaan, markuu Qaabiil uu dilay walaalkii Haabiil aad ayuu uga murugooday, intuu halka madixiisa ka fadhiistay ayuu Ooyay wuxuu garan waayay si uu sameeyo wuxuuna uga baqay Dugaagu in ay Cunaan, waxay dhahaan sanad ayuu dusha ku sitay; laakiin, Xaqiiqda Allaah ayaa og.
Allaah ayaa wuxuu u soo diray Tuke waxayna is dagaaleen Tuke kale midbaa la dilay midkii wax dilay ayaa bilaabay inuu Dhulka faqo isagoo rabo inuu Aaso Tukihii uu dilay. Qaabiil hortiisa ayuuna ku aasay si uu Qaabiil u arko qaabka uu walaalkii u aasi lahaa. markuu Qaabiil uu arkay Tukaha ayaa wuxuu yiri ‘’Hoogaygee ma waxaan ka caajisay inaan noqdo sida Tukahan oon asturo maydka walaalkay’’ Allaah wuxuu yiri ‘’wuxuu noqday kuwa murugooday.’’
waana dhibaatada ay leedahay Macaasidu oo ah in ay ku danbayso walwal iyo calaacal.
Qisada Qaabiil iyo Haabiil waxaa ku duugan Faa’iidooyin aad u waawayn iyo Casharo aad u Qiimo badan oo ay tahay inaan ka barano.
Casharada ugu waawayn een ka baranayno Qisada ayaa waxa ka mid ah, Dhibaatada uu leeyahay Xasadku. Qaabiil waxa ku kalifay inuu dilo walwaalkii ayaa ah, inuu Xaasiday walaalkii, siday leeyihiin Culumadu. Cudurkan Xaasidnimadu waa Cudur aad u halis badan, dhibaatooyin badan-na Sabab u noqda. Waxaaa ka mid ah inuu Sababo kalataga Dad walaalo ah oo maxaa kala geeyay Nabi Yuusuf calayhi salaam iyo walalihii? waxaa kala geeyay ayaa ahaa Xaasidnimo ay Xaasideen Yuusuf. Sidoo kale, wuxuu keenaa dil sida uu ugu sababay Qaabiil. wuxuu kaluu sababi karaa Gaalnimo iyo inuu qofku Diinta ka baxo sida Ibliis ku dhacday, wuxuu Allaah uga gaaloobay ayaa ahayd Xaasidnimo uu Xaasiday Nabi Aadam calayhi salaam.
Xaasidnimadu waa arin aad u khatar badan Dambigii ugu horeeyay ee Samada ka dhacay wuxuu ahaa Xaasidnimo, waana Ibliis oo Xaasiday Nabi Aadam. Danbigii ugu horeeyay ee Dhulka ka dhacyna wuxuu ahaa Xaasidnimo, waana Qaabiil oo Xaasiday walaalkii Haabiil.
Nabiguna calayhi salaatu wassalaam. aad ayuu inoogaga digay arintan halista badan wuxuuna dhahay ‘’ha is Xaaasidina’’.
Diinta, walaaltinimada,jacaylka, Ixtiraamka, Qadarinta, iyo Qiimaha, ayay Xaasidnimadu seef ku tahay oo ay meesha ka saartaa. Dhibaatada ugu yar ee uu sababo waa in la isku cadhoodo; Sidaas darteed, Ninkan Dhallinyarada ah ee Qaabiil waxaa ku dhacay Cudurka Xaasidnimada waxaan ka Faa’iidayno ayaa ah khatarta Xaasidnimada, iyo Cidhibtiisa dambe. Waana in ay dhamaan Muslimiintu iska jiraan arintan khaasatan Dhallinyarada, waana in ay ka dheeraadaan waxyaabaha keena Xaasidnimada.
Dhallinyaradan qisadooda waxaan kaloon ka Faa’idaynaa Dhibaatada ay leedahay Cadhadu, waxaana inala gudboon markaan cadhoono inaan la imano waxyaabaha cadhada meesha ka saara uu inoo sheegay Nabigu calayhi salaatu wassalaam sida hadii uu qofku joogay inuu fadhiisto, haduu fadhiyayna inuu jiifsado. Waxaan kaloon ka Faa’iidaynaa Qiimahay leedahay walaaltinimadu. Muslimiintana waxaa saaran in ay ilaalsadaan walaaltnimada khaasatan Dhallinyarda waa In ay noqdaan adoomo Ilaaahay oo walaalo ah, waa in ay isku kaalmaystaan khayrka, wanaaga, walaaltinimada, si ay waayahooga ugu dhamaystaan wanaag iyo wacnaan.
Waxaaanka Faa’iidaynaa Dhibaataday leedahay inuu Qofku aqbali waayo waanada. Dhallinyaradu way iska gafaf badan yihiine hala waaniyo, iyagna waa in ay aqbalaan waanada. Waxaan kaloon ka faa’iidaynaa dhibaatada ay leedahay Macaasidu, khaasatan dilku inuu yahay Dambi aad u wayn Qofkii ku dhacana wuxuu noqonayaa mid Naar ku mutaysto waana Dambi aad u wayn; Laaakiin, ku Gaaloobi maayo Qofku haduu Dil gaysto.
Waxaanka Faa’iidaynaa in Waalidada baari loo noqdo iyo dhibaatada ay leedahay in Caaq lagu noqdo Waalidka.
Waxaanka faa’iidaynaa inuu Allaah aqbalo camalka wanaagsan kaliya. Allaah-na wuxuu aqbalaa Camalka marka laga helo labo Arimood oo ah inuu Ikhlaas/Allaah dartii yahay, iyo inuu sunnada waafaqsan yahay.
labadaas hadii uu midi maqan yahay Camal ka la aqbali maayo, Haabiil wuxuu ka mid ahaa kuwa Allaah ka baqa, Allaah-na uu ka Aqbalay, Qaabiil-na wax aan wanaagsanayn ayuu bixiyay Allaah kamuu aqbalin.
Waxaanka qaadanaynaa Qisada inuu Qaabiil uu yahay cidii ugu horaysay ee dhiig xaq daro ku daadisa. waxaan kaloon ka qadanaynaa Qofkii ugu horeeyay ee dhinto inuu ahaaa Haabiil. waxaan kaloon ka qaadanaynaa inuu Tukuhu baray Banii’aadamka sida ay isku aasaan.
Waxaan kaloonka qadanaynaa in quruxda dumarku ay tahay fitno, ayna dhici karto in quruxdeedaa Raggu isku dilaan sida ku cad Qisada Qaabiil iyo Haabiil.
Waxaan kaloon ka qaadanaynaa in nafta lagu kadsoomin oo ay tahay Cadaw. Qaabiil inuu dilo Walaalkiina naftaa u qurxisay.
Waxaan ka qadanaynaa in dambi kastaba ay Murugo ka dambayso. Sida ku dhacday Qaabiil.
W/Q: Akhriste


Comments
Post a Comment