RAJADIISU WAA BADBAADIN UMMADEED
Ibraahiim iyo Aabihii Aazar
Nabi Ibraahiim calayhi salaam Aabihii wuxuu ahaa Gaal caabuda Sanamyada Wiilkiisa Ibraahiim-na waa Nabi ka mid ah Nabiyada Ilaahay soo diray waxa loo soo diray ayaa ah in Shirkiga uu ka digo, wuxuu bilaabay Nabi Ibraahiim calayhi salaam inuu Aabihii u sheego in ay sinaba ku banaanayn in la caabudo cid aan Rabbi ahayn.
Wuxuu yiri Nabi Ibraahiim calayhi salaam ‘’Aabow maxaad u caabudi wax aan ku maqlayn, kuna arkayn, waxbana kuu tari Karin, Aabow aniga waxaa ii imiday cilmi aan adiga kuu iman ee I raac aan wadada saxda ah kugu hagee, Aabow ha caabudin Shaydaanka, Shaydaanku Rabbigii uu caasiyay e.
Aabow waxaan kaaga baqayaa inuu cadaab halka Rabbi ka ahaaday ku taabsado ka dibna Shaydaanka wali u noqotid.’’ Nabi Ibraahiim calayhi salaam Aabihii wuxuu dacwada ugu sheegayaa si ay ku jirto dhibrin iyo Ixtiraam wuxuuna adeegsanayaa kalmada ah, ‘’Aabo’’ sidoo kale, wuxuu ku qanciyay xujooyin uu fahmi karo oo ah inuu sanamkani waxba maqlayn,arkayn, waxna u tarayn, Aabihii wuxu ugu jawaabay ‘’oo ma waxaad diidantahay ilaahyadayda Ibraahiimow hadaad dayn waydid waanku dhagaxayn igana tag.’’
Markuu Aabihii sidaa ku dhahay Ibraahiim umuu gacan qaadin kaliya wuxuu ku dhahay ‘’nabad galyo kor kaaga ha ahaato’’ Wiilkan Dhallinyarada ah wuxuu rabaa inuu Aabihii iyo Ummadoo dhan badbaadiyo.
Dhallinyaro, Rabbi anakoo kaalmaysanayno ina geeya Suuratu al anbiyaa, Suuradan Rabbi wuxuu kaga waramay Nabiyo waxaana ka mid ah Nabi Ibraahiim calayhi salaam Rabbi wuxuu yiri ‘’waxaan siinay Ibraahiim xujjadiisi markuu yaraa waanan ogayn inuu mutaystay, wakhti ayaan siinay uu ku yiri Aabihii iyo tolkii maxay yihiin sanamyadan aad dul fadhidiin’’ waxay ku jawaabeen waxaan helnay/ soo gaadhnay Aabayaashayo oo caabudayo’’.
Jawaabtan waa jawaabta ay adeegsadeen gaaladii Nabi Muxamed Calayhi salatu wassalaam u yimiday. hadalkay ku hadlayaan siduu u midaysan yahay waxaa ay ku tusaysaa in ay ka caajiseen in ay xujjo la imaadaan. Nabi Ibraahiim ‘’wuxuu ku yiri waxaa xaqiiqo ah inaad ahaydeen innika iyo Aabyaashiinba baadi cad kuwa ku sugan.’’
waxay dheheen ma waxaad inoola imaatay xaq mise waad inagu ciyaaraysaa. wuxuu ku yiri bal iskadaaya inaan ciyaar iniila imidaye Rabbigiinu waa Rabbiga Samooyinka iyo Dhulka waliba waa kii abuuray Samada iyo Dhulka aniguna markhaati ayaan ka ahay.’’
wuxuu yiri Nabi Ibraahiim calayhi salaam Rabbi ayaan ku dhaartee waxaan dhagri sanamyadiina markaad jeesataan.’’ waxay dhahaan culumadu tolkii Nabi Ibraahiin calayhi salaam waxaa ay u bexeen ciidoodii, cuntooyin ayay soo qaadeen waxayna u keeneen sanamyadii ay caabudaayeen iyagoo leh way inoo barakaynayaan waxayna ku dheheen Ibraahiim ina raac wuxuu ku yiri waan xanuusanahay; ka dib, markay socdeen wuxuu u imiday sanamyadii wuxuuna ku dhahay miyaanad cunayn cuntada maxaad u hadli laadihiin; ka dib, midigtiisuu ku garaacay Rabbi wuxuu yiri:
‘’wuxuu ka dhigay kuwa la burburiyay illaa mid wayn oo iyaga u sugnaaday mahine’’ maxay tahay sababta uu u daayay ka wayn ‘’waxay mudan yihiin in ay u soo laabtaan diinta ibraahiim’’ Gaaladii markay soo laabteen ee ay arkeen siday wax u jiraan ayaa waxay dhaheen ‘’ayaa sidan ku sameeyay ilaahyadayada cidaasi waa cid dulmi falayaasha ka mid ahee, waxay dheheen waxaan maqalnay mid Dhallinyaro ah oo dhaleecaynaayo [ilaahyadiina] oo la dhaho Ibraahiim’’.
Waxay dhaheen Galadii waxaad keentiin dadka hortooda waxay mudan yihiin in ay u joogaan waxa ku dheca’e’’ waala keenay Ibraahiim oo da’yar waxaana la waydiiyay ‘’ma adigaa sidan ku sameeyay ilaahyadayadii Ibraahiimow, wuxuu yiri iska daa inaan anigu sameeyee waxaa gaystay falkan kooga ugu wayn ee bal waydiiya hadday yihiin kuwa hadlaayo, Rabbi wuxuu yiri ‘’waxay ku laabteen nafahoodii waxayna is dheheen idinkaa daalimiin ah.[caabudidaan caabudayno cidaan Rabbi ahayn]
Ka dib caqligoodii ayaa la foorariyoo waxay dheheen waad ogayd in ay kuwani hadlayne’’ [maxaan ka waydiinaa] ka dib, wuxuu yiri Ibraahiim ‘’uf qudhun iyo halaag ayaa inii sugnaaday idinka iyo waxaad caabudaysaanba Rabbi sokadii miyeydaan caqli lahayn.’’
Gaaladii waxay bilaabeen in ay ciqaabaan Nabiga waxayna dheheen ‘’guba Ibraahiim una gargaara Ilaahyadiina hadaad tihiin kuwa wax qabanaayo.’’ Ibraahiim oo ah wiil yaroo Dhallinyaro ah ayay tolkii oo dhan iskugu yeedhanayaan si ay u dilaan; ka dib, markay awoodi waayeen in ay iskaga difaacaan xujjo sababtoo ah wiilkan Dhallinyarada ah waa wiil ku hubaysan Caqiido sax ah, Caqli nabad gashan iyo Rajo ah in Ummadiisu hagaagto.
Intaa ka dib, iska daa in ay aqbalaane waxaa ay shideen Dab aad u wayn wayna ku rideen. Rabbi ayaa Dabkii ku dhahay ‘’Dabyahaw waxaad noqotaa qabaw oo nabad gali Ibraahiim.’’
Rabbi uu fashiliyay dhagartii Gaalada wuxuuna ka yeelay kuwa ku khasaaray Shirqoolkoodii.
Qisada Nabi Ibraahim aad ayay u balaadhan tahay in badan qur’aanka waalagaga waramay intanina waa qayb ka mid ah.
✔️waxyaabahaan ka faa’iidayno waxaa ka mid ah akhlaaq wanaaga uu ku sifaysan yahay Nabi Ibraahiim calayhi salaam, Aabihii oo gaal ah ayuu si dagan oo Ixtiraam leh ula hadlayaa si uu u islaamo.
✔️Waxaa ka mid ah in Aabayaasha la baro Tawxiidka iyo Caqiidada saxda ah, waana waajib saaran Dhalinyarada in ay dadkooda ka saaraan qudhunka Gaalnimada una saaraan wanaaga Islaamka, ka saaraan Dulmiga Gaalnimada una saaraan Cadaalada Islaamka, ka saaraan Dulliga Gaalnimada una saaraan Cisiga iyo sharaftaIslaamka, ka saaraan hoosaynta Gaalnimada una saaraan Saraynta Islaamka, ka saaraan Walwalka iyo Murugada taalo Caalamka Gaalnimada una saaraan Caalamka Islaamka ee ku suntan Farxada iyo Rayraynta, ka saaraan hallawga una saaraan hanuunka Islaamka, ka saaraan khasaraha Gaalnimada una saaraan guusha Islaamka, ka saaraan Cadhada, Colaada ay Gaalnimadu wadato una saaraan Islaamka ay taalo is jacaylka iyo walaaltinimadu, ka saaraan kala taga ay wadato Gaalnimadu una saaraan midnimada Islaamka, waa in ay ka saaraan Shirkiga una saaraan Tawxiidka, ka saaraan bidcada iyo khuraafaadka una saaraan sunnada ay ku dhaqmaan.
Dhallinyaraduna markay sidan wax u badalayaan waa markay ku daydaan Nabi Ibraahiim calayhi salaam. Nabi Ibraahiim waa Dhallinyaro uu Rabi ku manaystay Caqli wuxuuna la dooday Aabihii tolkii iyo Gaalo diidanayd inuu Rabbi jiro, intaba uu af xidhay waxayna waayeen xujjo illaa in ay Ciqaabaan mooyee.
✔️waxayaabaha aan ka qaadanayno ayaa ah go’aan adag iyo sugnaashaha uu muujiyay Nabi Ibraahiim calayhi salaam isagoo kaligii ah iyo siduu u ilaalsanaayay Islaamkiisa qofka Dhallinyarada ah ee raba inuu bulshada badalaa waa inuu bilawga hore Tawxiidka iyo Caqiidada ka saxaa sida Nabi Ibraahiim iyo Nabiyada kalaba; laakiin, waxaana la soo Gudboonaani dhibaatooyin hor leh waa inuu u sugnaadaa una dulqaadataa una akhlaaq wanaagsanaadaa sida Nabi Ibraahiim calayhi salaam.


Comments
Post a Comment