Islaan Duq Ayaa La Weydiiyey Macnaha Kelmedda ❤️JACAYL❤️! Waxay Ku Jawaabtay:-

 

Islaan Duq Ayaa La Weydiiyey Macnaha Kelmedda ❤️JACAYL❤️! Waxay Ku Jawaabtay:-


Markii ugu horraysay een kalmaddaas maqlay la iguna yidhaahdo waxaan ahaa gabadh aad u yar, hooyaday iyo aabbahay ayaana marka ay i arkaan igu odhan jiray ''Waan Ku Jeclahay''!. Mar kasta oo uu midkood kelmeddaas igu dhahana waxaan dareemay in jacaylku yahay ''Ammaan iyo Laab Qabow''❤️


Mudoo kaddib waa la isoo doonay waxa la igu daray Wiil, Kaddib wiilkii waxa uu igu yidhi ''Waan Ku Jeclahay'' ... Markaasna waxaan ogaaday in jacaylku yahay "Dareen, Doonis Iyo Rejo''❤️


Wiilkii waan is guursannay, markaas ayuu igu yidhi waan ku jeclahay... markaas Kaddib ayaan ogaaday in Jacaylku yahay ''Xiiso Iyo Naxariis''.❤️


Marka uu ninkaygu kasoo laabto maalintiisii adkayd iyo shaqadiisa isla markaana uu miiska dushiisa ka helo cabbitaan qabow iyo cunto macaan ayuu igu yidhaahdaa waan ku Jeclahay markaas ayaana ogaaday in Jacaylku yahay ''Qaderin iyo Mahad celin''❤️


Sannado ayaa kasoo wareegay, timahaygiina waxay bilaabeen in caddaadaan oo cirraystaan, mar kasta oo uu ninkaygu eego madaxaygana waxa uu igu yidhaadaa waan kui jeclahay... markaas ayaan ogaaday in jacaylku yahay ''Raxmad iyo Naxariis''❤️


Cimrigayagii ayaa dheeraaday waanuna gabownay labadayaduba isla markaana aan soo qaadanay nolol aad u dheer, mar kastya oo uu ninkaygu igu dhaho waan ku jeclahayna waxa aan dareemay in Jacaylku yahay ''Daacadnimo, Run , Iyo mid ku dhasha qalbiyada Saafiga ah''❤️❤️❤️


Ugu danbayn JACAYLKU waa Ammaan, Laab Qabow, Dareen, Doonis, Rejo, Xiise, Naxariis, Qaderin, Mahadcelin, Raxmad, Daacadnimo. Jacaylku Waa Wax Run Ah Isla Markaana Waa Mid Ku Dhasha Quluubta Saafiga Ah.#Adneh kudarso labo erey oo aad jacayl ku qeexesid.


@Lovestories5301


X 📿💦🌴

Comments

Popular Posts