YUUSUF AMIIRKII DHAWRSOONIDA
QISADII NABI YUUSUF
Waxaaan is dul taagaynaa Qisada Nabi Yuusuf calayhi salaam. Qisadu bulshada qaybeheeda kala duwan ayay wax baraysaa, haday tahay Waalidada, Caruurta, Madaxda, Dadka Dadka khayrka ugu yeedho/ducaada ah, Dadka Walaalaha ah iyo sidoo kale, Dhallinyarada oo ah Dadka ay Qisadu inta badan qaadaadhigi doonto arintooda ayna falaaqayn doonto Rabbi Idankii.
Qisadoo dhamaystiran waxay ku soo aroortay Suuratu Yuusuf waxayna soo dagtay Suuratu Huud dabadeed Wakhti aad loo dhibay Nabiga iyo Asxaabta, waana Qiso Nabiga lagu xasuusinaayo in ay Nabiyadii hore dhibaatadan ay soo mareen looguna tilmaamaayo inuu sabro.
Bilawga Suuradu waxay ku bilaamantay in ay ka waranto Quraanka iyo inuu yahay Kitaab Aayadihiisu cad-cad yihiin oo la fahmi karo; Sidoo kale, wuxuu Allaah tilmaamay inuu ku soo dajiyay luqad Carabiya; sababta, loogu soo dajiyay Carabigana in ay tahay inaan fikirno.
Culumadu markay ka waramayaan Quraanka waxay dhahaan; Quraanku waa hadal ka ugu sharaf badan oo ah hadalkii Rabbi, wuxuuna soo dajiyay Rabbi bilaha bishii ugu sharafta badnayd oo ah Ramadaan, wuxuuna soo dajiyay habeenada ka ugu sharafta badan oo ah laylatul Qadri, wuxuuna ka dhigay luqadiisana Carabi oo ah ta luqadaha ugu sharafta badan, wuxuuna u soo dhiibay maalaa’igta cidii ugu sharafta badnayd oo ah Jibriil, Jibriil-na wuxuu ku soo dajiyay basharka cidii ugu sharafta badnayd oo ah Nabi Muxamad calayhi salaatu wassalaam, Nabiguna wuxuu sheegay Dadka ka ugu khayrka badan inuu yahay Qofka Quraanka barta Dadkana bara.
ka dib, markuu Rabbi tilmaamay Quraanka wuxuu tilmaamay Rabbi inuu Nabiga uga waramaayo Qisooyinka kuwa ugu wanaagsan oo ay ka mid tahay Qisada Nabi Yuusuf calayhi salaam iyo Walaalihii.
RIYADII NABI YUUSUF
Nabi Yuusuf calayhi salaam ayaa wuxuu ku Riyooday kow iyo toban Xidigood iyo Cadceeda iyo Dayaxa oo u Sujuudaayo, wuxuuna Aabihii ku yiri; ‘’Aabaw waxaan arkay kow iyo toban xidigood iyo cadceeda iyo dayaxa waxaan arkay iyagoo ii sujuudaayo’’ markuu Nabi Yuusuf calayhi salaam Aabihii ula tagay Aabihii wuxuu ku yiri ‘’Wiilkaygoow ha u sheegin riyadaada walaalahaa waxay kuu shirqoolayaan shirqool, Shaydaankuna cadaw cad ayuu ku yahy Dadka.’’
Nabi Yacquub calayhi salaam oo ahaa Nabi Yuusuf Aabihii markuu arkay Riyadu siday u dhacayso ayaa wuxuu la taliyay wiilkiisa, wuxuuna u tilmaamay sida wanaaga badan wuxuuna ku yiri ‘’Wiilkaygoow’’ waa kalmad aad u wanaagsan Ilmaha yarna meel kaga dhacayso, Waalidaduna ay tahay in ay ugu yeedhaan Caruurtood.
Ilmaha inaad ugu yeedho Magiciisa waxaa kaga saamayn badan inaad adeegsato kalmadahan Wiilkaygiiyaw/Gabadhaydiiyeey. ka dib, markuu Yacquub calayhi salaam uu ugu dhawaaqay kalmad wanaagsan wuxuu ku yiri ‘’ha u sheegin Walaalahaa Riyadaada’’ wuxuu barayaa Nabi Yacquub wiilkiisa inuu sirtiisa ilaaliyo; sababtoo ah, meelayawga uu fashilku ka imido waxaa ka mid ah sirta faafto.
Qofka sirtiisa ka adagna cadawgiisa uu ka adag yahay; ka dib, wuxuu ku yiri way ku ‘’hag-rayaaan hag-ritaan/shirqoolayaan shirqool’’ wuxuu ugu tilmaamay in ay u shirqoolayaan. Ma’ahayn inuu wiilashiisa wax xun uu ka malaysan yahay, laakiin, waxaa ay ahayd inuu yaqaanay xaalada wiilashiisa.
Yacquub calayhi salaam ayaa wuxuu ahaa barbaariye Caqli badan. intaas ka dib, Nabi Yacquub wuxuu u sheegay wiilkiisa cadawga dhabta ah ‘’Shaydaanku cadaw cad ayuu ku yahay Dadka’’ wiilkiisa Xaqiiqda ayuu farta ugu fiiqay cadawga dhabta ahna uu baray.
Xaaladu markay halkaa marayso Yacquub calayhi salaam wuxuu guda galay inuu Yuusuf ku beero rajo wacan wuxuuna ku yiri ‘’sidaas, [uu kuu tusay riyada oo kale] ayuu Rabbigaa kuu doorani wuxuuna ku bari sida loo fasiro riyada nimcadiisana wuxuu ku dhamaystiri adiga iyo reer Yacquub siduu ugu dhamaystiray mar hore Aabayaashaadi Ibraahiin iyo Isxaaq’’.
NabiYuusuf calayhi salaam Aabihii wuxuu ugu bishaareeyay inuu Rabbi dooran doono, wuxuuna ku yiri; ‘’Rabbi ayaa ku dooran.’’ kalmad aad u wayn oo dhamaan ilawsiinayso Xaasidnimada Walaalihii kuna beerayso inuu ku mashquulin dhibaatadan yar ee uu ka fikiro doorashada Rabbi uu doortay, waxaa kaluu Aabihii ku yiri; wuxuu kaluu ku bari ‘’Tafsiirka riyooyinka wuxuuna kugu dhamaystiri nimcooyinkiisa’’.
waa bishaarooyin iyo rajo kaloo farxad balaadhan xambaarsan; ka dib, Yacquub, wuxuu ku xidhay wiilkiisa Aabayaashii si uu ugu daydo; Ka dib, wuxuu baray Tawxiidka Rabbi subxaanahuu watacaalaa, wuxuu ku yiri Rabbigaa waa mid Aqoon badan, Arimahana halkay ku haboon yihiin ayuu dhigaa.’’
✔️Wuxuu guda galay Nabi Yacquub calayhi salaam inuu Wiilkiisa ku xidho Rabbi, wuxuuna baray inuu yahay Rabbi ‘’Mid wax walba og’’ marka Ilmaha yar labaro inuu Rabbi arkaayo wuxuuu iska Ilaalinayaa inuu caasiyo amarkiisana khilaafo,
✔️takale, wuxuu baray inuu yahay Rabbi ‘’Mid xigmad badan’’ oo ah inuu wax walba meeshii ku haboonayd dhigo, sifadan kalana Ilmaha waxay ku keenaysaa inuu ku qanacsanaado xukunka Rabbi subxaanahuu watacaalaa.
✔️Waxaan ka baranaynaa Qisada in Caruurtu ay waalidada la tashadaan taasina waxay keensanaysaa in Jacaylka ka dhexeeya Caruurta iyo Waalidku uu sii xoogaysto.
✔️Waxaan kaloon ka qaadanaynaa in Waalidadu ay Caruurta isku garab taagaan haday noqoto Taliyo, Tusaale, iyo Aqoon ahaanba. Aqoonta ugu wayn ay barayaan waa in ay noqotaa tawxiidka Rabbi.
✔️Sidoo kale, waxaan ka baranaynaa in sirta la ilaalsado. In ay jirto waxyaabo sir ah oo kuu qarsoon waa muhiim; sababta ayaa ah, In nimcad kastiba ay leedahay cid Xaasido; sidaas darteed, ayaa waxay tahay in uu Qofku noqdaa qof xajin karo sirtiisa. Asxaabigii waynaa ee Cali Ibnu abii Daalib Rabbi haka raali noqdee ayaa yiri ‘’Sirtaada gacantaad ku haysaa; laakiin, markay kaa baxdo gacantay kugu dhigi’’ sidoo kale, waxay dhahaan ‘’Dadka xorta ah qalbiyadoodu waa halka ay siruhu ku aasan yihiin’’.
✔️Waxaan kaloon ka qaadanaynaa in Caruurta lagula dhaqmo cadcadaan iyo run si run ahna loogu tilmaamo waxa dhibta u leh iyo waxa aan u lahayn. siduu Yacquub uu wiilkiisa ugu tilmaamay cadawga saxda ah ee Shaydaan.
✔️Waxaan kaloon ka qaadanaynaa in Caruurta lagu xidho Dadka wanaagsan, sida Nabiyada, iyo Asxaabta iyo taabiciinta, loogana Sheekeeyo Qisooyin koodii si ay ugu daydaan dariiqoogiina ay u qaadaan.
✔️waxyaabaha ugu waawayn een ka baranayno ayaa ah, horayna waan u soo tilmaanaye, in Caruurta labaro tawxiidka.
SHIRQOOLKII WALAALAHA
Rabbi subxaanahu watacaalaa markuu inooga waramay riyadii Nabi Yuusuf; ka dib, wuxuu Rabbi inoo daba dhigay arintii dhaxmartay Nabi Yuusuf calayhi salaam iyo Walaalihii.
Nabi Yuusuf calayhi salaam Walaalihii waxay Cadho iyo Xaasidnimo u qaadeen Yuusuf waxayna iskugu imideen shir/kulan lagaga tashanaayo sidii Yuusuf wax looga qaban lahaa, waxayna dheheen ‘’Yuusuf iyo walaalkii [oo ahaa Binyaamiin] ayuu Aabo inaga jecelyahay anakoo ah koox, Aabo khalad cad ayuu ku sugan yahay’’.Nabi Yacquub calayhi salaam wuxuu qabay labo haweena midi waxay dhashay Yuusuf iyo Binyaamiin, mida kalana waxay dhashay Wiilashan kale ee tobonka ah.
Ragan bahda kale ah ayaa waxaay Xaasidnino u qaadeen Yuusuf iyo Walaalkii Binyaamiin oo bahda kale ah, waxayna dheheen Aabo labadan ayuu inaga jecel yahay anakoo ka badan.
Waxaa ku dhalatay male xun oo ay Aabahood ka malaysteen iyo Xaasidnimo ay Walalahood u qaadeen; ka dib, Shirkii waxaa ka soo baxday in ay dhahaaan ‘’Dila Yuusuf ama ku tuura dhul cidlo ah wajiga Aabihiin hanii cidloobee’’ Muxuu galabsaday Nabi Yuusuf calayhi salaamoo loo dilayaa kaliya waa in la jeclaaday.
Laakin, ka soo qaad hadaan odhano Nabi Yacquub uu ku khaldanaa inuu jeclaaday Nabi Yuusuf, dambiga lagu haysto Yuusuf waa maxay ? Majirto wax uu gaystay Nabi Yuusuf calayhi salaam; Laakiin, marka ay Cadhada iyo Xaasidnimadu ay kulmaan Caqliga ayay cadaw ku yihiin meeshana way ka saaraan.
waxayna dheheen Walaaladii Yuusuf ‘’Markaad dishiin ka dib waxaad noqonaysiin kuwo wanaagsan’’ waxay go’aan ku gaadheen in ay dilaan Yuusuf; ka dib, ay wanaagsanaanayaan oo ay tawbad keenayaan.
Waana xeeladaha ay naftu u adeegsato samaynta dambiga, inuu qofku ku tashado dib ayaan ka wanaagsanaan doonaa, Arintana Xaqiiqada Aad ayay uga fog-tahay; sababtoo ah, Qofku ma oga inuu sii noolaan doono dambiga ka dib, haduu nooladana ayaa u balan qaaday inaa la waafajin doono tawbada, hadii la waafajiyana ma oga in laga aqbali doono iyo in kale.
Markay isku raaceen haladilo ayaa waxaa hadlay mid ka mid ah wuxuuna yidhi ‘’Ha dilina Yuusuf ee waxaad ku tuurtiin ceelka guntiisa haqaataan kuwa socdaalka ahe hadaad samaynaysiin’’ wiilkani uu ka ra’yi/fikir duwan yahay walaalihii wuxuuna qabaa in aan la dilin ee la fogeeyo.
waxayna dhahaan Culumadu ‘’Wuxuu ahaa kani kooga ugu Caqliga badan wuxuuna u tilmaamay dambigii dilka ahaa mid ka fudud’’ Waxay isku raaceen in ay ceel ka lagu rido. Iyagoo Aabahood u muujinaayo dhoolatus iyo in ay midaysan yihiin ayay dhamaantood u yimideen waxayna ku dheheen ‘’Aabaw maxaa kugu dhacood inoogu aamini laadahay Yuusuf waxaan nahay kuwa u naseexaynaayee.
bari inagu dar ha iska soo cuno oo ha iska soo ciyaaro anakaana ilaalinaynee’’ Aabahood ayaa ugu jawaabay ‘’Waxaa imuruga galinaayo inaad igala tagtiin, waxaan ka baqayaa inuu cuno yaygu inigoo moogan’’ waxay dheheen ‘’Haduu cuno yaygu anakoo badan oo koox ah waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray’’ Rabbi wuxuu ka waramay markay isku raaceen in ay ceelka ku ridaan, Nabi Yuusuf calayhi salaam wuxuu Rabbi u waxyooday inuu mar u sheegi doono walaalihii waxay ku sameeyeen iyagoon ogayn.
Wuxuu ka waramay Rabbi markay Yuusuf calayhi salaam ku soo rideen ceelka ee ay u soo noqdeen Aabahood siday wax ugu sheegeen.
Rabbi wuxuu dhahay ‘’waxay yimideen wakhti cishaa’i ah iyagoo ooyaayo waxayna dheheen ‘’Aabaw waan ka tagnay Yuusuf anakoo tartamayno Yuusuf-na waxaan kaga tagnay alaabtayada agteeda waxaana cunay yay, mana tihid mid na rumaysanaayo hadaan nahay kuwa run sheegayo.’’
Rabbi wuxuu sheegay in ay khamiis-kiisiina ay dhiig beena soo mariyeen. dhibaatadan ah in walaalihii ay Xaasideen oo ay ceelka ku rideen, waxay bilaw u tahay dhibaatooyin taxane ah oo ku dhici doona Nabi Yuusuf calayhi salaam. Dhallinyaradu waa in ay u adkaystaan dhibaatooyinka ka soo wajahaysa horumarinta bulshadooda, iyo caqabadaha ay sababta u yihiin dadka Xaasidiinta ahi.
waxaan kaloon ka baranaynaa dambiyadu in ay is dhalaan. Nabi Yuusuf calayhi salaam walaaladii waxay kaliya rabeen In ay Yuusuf masaafuriyaan Aabihiina ay ka fogeeyaan waana dulmi arintaaasi; laakiin, dambigaasi wuxuu dhalay dambiyo kale oo ah in ay Aabahood u sababaan Murugo, Cabsi uu uCabsado ilmihiisa iyo inuu u walwalo; sidoo kale, wuxuu u dhalay dambigii hore in ay sheegeen beena kaloo badan waxay dheheen ‘’waxaan nahay kuwa u naseexaynaayo’’ waa been, waxay kaloo dheheen ‘’ha iska soo cuno [midhaha] hana iska soo ciyaaro anakaana ilaalinayne’’[been kale] ‘’ooyin beena ayay Aabahood ku sireen, iyagoo ceelka ku riday ayaa waxay dheheen waxaan kaga garab tagnay alaabtayada’’ [been kale]xitaa waxay gaadhay in lagu been abuurto Xayawaanka oo la dhaho ‘’yaybaa cunay’’ been kalay sheegeen oo waxay dheheen ‘’hadaan run sheegaynana inamaad rumaysanaysid’’ wuxuu Rabbi sheegay in ay been kale sameeyeen oo ah in ay ‘’dhiig been ah ay soo mariyeen khamiiska’’.
Nabi Yacquub calayhi salaam murugaa u soo hoyatay oo uu ka Murugoonaayo in lagala tagay wiilkiisii, markii ay wiilashiisu ay u sheegeen in la cunay ay khamiiskiisii oo dhiig leh ay tuseen wuxuu ku yidhi ‘’nafihiinaa inii sawiray wax [xun]’’ Nabi Yacquub calayhi salaam wuxuu fahmay inuu dhiman Nabi Yuusuf labo arimoodna uu ku fahmay,
waa ta koowaade, riyadii uu Nabi Yuusuf ku riyooday ee ahayd in Aabihii, Hooyadii iyo walalihiiba u sujuudayaan Tafsiirkeedii wali ma dhicin oo may rumoobin.
Talabaad, markay khamiiskoo dhiigle u keeneen uu ku fahmay wuxuu ku dhahay ‘’oo yaygu caqli badanaa Yuusuf cunay; laakiin-se, aan dilaacin khamiiskiisii’’ [hadduu yay cuni lahaa waxay noqon lahayd in yaygu uu dilaaciyo khamiiskiisa si uu u cuno jidhkiisa]
markuu sidaa ugu fahmay wuxuu ku yidhi ‘’waxaan sabri sabir qurux badan Ilaahayna waa ka laga kaalmaysto waxanaad sheegaysaan’’ Nabi Yacquub calayhi salaam kulamuu dhaqmin Caruurtiisa akhlaaq xumo muuna habaarin ee wuxuu kula dhaqmay sabir iyo dulqaad.
Waxay dhahaan walaaladii Nabi Yuusuf calayhi salaam markii ay Ceelka ku rideen waxay aadeen meel ceelka u dhaw si ay u fiiriyaan cida ka soo saarayso waxay halkaa marayso iyaguna ay sugayaan cida qaadan doonto ‘’waxaa yimiday kuwo socdaal ah waxay direen mid kii biyaha u soo dhaaminaayay, kiina wuxuu dhaadhiciyay wadaantiisii markuu arkay Yuusuf ayaa wuxuu yiri bishaarooy kani waa wiil yar wayna qariyeen iyagoo ka dhigaayo alaab, Rabbina uu ogyahay waxay samaynayaan’’.
Markay arkeen walaaladii Nabi Yuusuf isagoo la soo saaray ayaa ay u yimideen waxayna ku dheheen wiilkan anakaa iska leh wuxuuna inaga noqday mid doqona. markay halkaa marayso waxay ku heshiiyeen in ay ka iibiyaan.
Rabbi wuxuu yidhi ‘’waxay ku iibiyeen lacag liidato oo dirhamo tirsan ah waxayna ahaayeen kuwa naco.’’ Nabi Yuusuf Xaaladiisu waxay maraysaa in la iibsanaayo, waana dhibaatadii labaad ee ku dhacdo; laakiin, Nabi Yuusuf calayhi salaam Walaaladii maadaamay nacayaan maxay u iibiyeen may siiyaan iyagoon lacag aan ka qaadin? sababtu waxay tahay, hadii ay bilaash ku siin lahaayeen waxay ka baqeen markay ka tagaan ayuu Yuusuf ku dhihi kuwan Safarka ah, aar-yada Ragani way idilayaan wayna isoo xadeen ee iga bad-baadiya Aabahayna meesha halkaaya ayuu joogaaye ii geeya markaas-si uuna sidaa u odhan oo ay Albaabkaa iskaga xidhaan ayay lacagta u siisteen.
Mar haddii kuwan safarka ahi lacag ay siistaana Yuusuf kama aqbalayaan hadalkan waxay ku dhahayaan anaku waan ku soo iibsanaye maxaa inaga quseeya.
Nabi Yuusuf waa la iibsaday waxaana iibsaday ninkii haystay wasaarada maaliyada ee Dalka Masar, markuu Nin kaasi iibsaday wuxuu ku dhahay haweenaydiisii waxaad wanaajisaa hoygiisa waxaa laga yaaba inuu-na anfacee ama aan ka yeelano Ilmo.
Rabbi wuxu tilmaamay dhulka inuu makaniyay; sidoo kale, Rabbi wuxuu sheegay inuu baray sida loo fasiro riyooyinka, Ilaahayna amarkiisa isagaa u gacan sareeyo; laakiin Dadka badidoodu magaranayaan.
Markuu gaadhay Nabi Yuusuf calayhi salaam Dhallinyarnimada halkii ugu wacnayd wuxuu Rabbi u siiyay Nabinimo iyo Aqoon.
AMIIRKII DHAWRSOONIDA
Way socotaa qisadu...


Comments
Post a Comment