Yaman

 Yaman



Shacabkii ugu horeeyay ee carbeed ee lagu aqoonsaday dhulka yaman waxaa la oran qoomka reer Saba, waxaana laga helay taariikh-dooda oo faahfaahsan looxaan laga soo saaray godad la faagay sida muuqatana waxay ilbaxnimadoodu horu-kac wayn samaysay oo awoodoodu waynaatay oo dhulal badan isku kala bixiyeen muddo gaaraysa 11-qarni oo ka horaysa dhalashada Ciise, waxaan hadaba waqtigooda ku kala qaybin karnaa afar qaybood.


Dhismayaashii Ma’rib

Biyo-xireenkii Ma’rib

Joog: 16 mitir

Ballac: 60 mitir

Dherer: 620 mitir

Waxa uu biyaxireenkaasi waraabin jirey dhul baaxadiisu dhan tahay 9,600 hectares [Halkii Hecter waa 10,000 miter oo laba jibbaaran). Waxaa biyo xireenka burburiyey duufaankii Arim.


Akhri suurada Saba: Aayadaha 15-17


1): Qarniyadii gudbay ka hor sanadka 650-ka ee  dhalashada Ciise horteed, waqtigaas boqorradooda waxaa lagu magacaabi jiray Makrabu-Saba waxaana magaalada madax u ahayd Sarwaax oo hadda burburkeedu yaallo meel maalin looga socdo dhinaca galbeed ee Ma’rab. 

Waqtigaas waxaa la sheegay inay reer Saba awood wayn yeesheen oo aad isu ballaariyeen ilaa ay gaareen heer ay ummaddo gumaystaan gudaha dhulalka Carabta iyo meelo ka baxsan intaba waqtigoodii ayuuna bilowday dhismaha biya-xireenka wayn ee loo yaqaan biya-xireenka Ma’rab oo magac wayn ku leh taariikh-da yamaneed

Comments

Popular Posts