Skip to main content

Jaamac Qaalib: Isagoo aan dugsi Quraan, iskuul iyo jaamacad dhigan ayuu noqday bare jaamcadeed

 BBC News, Somali

Jaamac Qaalib: Isagoo aan dugsi Quraan, iskuul iyo jaamacad dhigan ayuu noqday bare jaamcadeed

  • Soo gudbin: Salman N
BBC

XIGASHADA SAWIRKA,JAAMAC QAALIB

Qoraalka sawirka,

Jaamac Qaalib waa 88 sano jir

Alle ha u naxariiste waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal, Jaamac Maxamed Qaalib.

Jeneraal Jaamac yare oo wayaadaan macallin ka ahaa Jaamacadda ummadda ee Muqdisho ayaa sida ay wararku sheegayaan u geeriyooday xanuun dhanka wadana ah.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay Deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Wuxuuna booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii. Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe ama sare; waxa uuna noqday bare jaamacadeed. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu ku tilmaamay mar-la-arag isagu wax is baray, kadibna isu xilqaamay kobcinta kasmada dhallinyarada. Waa taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Sarreeye-gaas Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare)

Jaamac M. Qaalib wuxuu ku dhashay deegaanka Dhoodi-gaban oo bari uga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag sanadkii 1933dii. Markii ay hooyadii geeriyootay ayuu ka soo hayaamay miyiga isaga oo 12 jir ah, kadib markuu u adkaysan waayay rajanimada iyo nolosha adag ee miyiga. Xilligaas Hargeysa oo dhan uu ku yaalay iskuulkii hoose-dhexe ee Fisher oo shuruudaha aqbalaadda ardayda ay ka mid ahayd in uu Qur'aanka dhammeeyay. Sababtaas ayuuna Jaamac Yare ku waayay fursadii uu ugu biiri lahaa dugsigaas.

Luuqadda Ingiriiska

Maadaama af Ingiriiska ahaa luuqadda kaliya ee loogu shaqeynayay Maxmiyadda Ingiriiska ayuu isago oo 13 sano jir ah wuxuu ku biiray xibisgii SYL, si uu u dhigto koorso lagu baranayay af Ingiriiska oo muddo lix bil ah xubnihii SYL loogu qabtay xaruntii xisbigaas ee magaalada Hargeysa.

Af Ingiriiskii uu ka bartay xaruntii SYL ayaa u furay albaab kale, oo isaga oo 15 sano jir ah ayuu biyatooni (Office Boy) ka noqday xafiiska Hawlaha Guud, April 1948. Mar kale ayuu 1950kii ka qaybgalay koorso luqadda Ingiriiska ah oo muddo saddex bilood ah loo dhigayay Naadigii Shaqaalaha Soomaalida. Kadibna karraannimo ayaa loo dalacsiiyay 1952dii.

"Intii aan karraaniga ahaa waxaan baran jiray makiinadda faraha ee wax lagu qoro (Typewriting) oo berigaas wax weyn karraaniga u ahayd. Karraaniinta waxaa sanad walba laga qaadi jiray imtixaan, qofkii ka baasana waa la dallacsiin jiray. Dec 1953 ayaan u fadhiistay imtixaankii oo 8 maaddo ahaa. 6 maaddo ayaan ku dhacay, 2 maaddo oo Ingiriis iyo Typewriting kala aheydna waan ku baasay," ayuu Jaamac Yare BBC u sheegay.

bbc

XIGASHADA SAWIRKA,JAAMAC QAALIB

Taliyihii ugu horreeyay ee sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Sarreeye-Gaas Jaamac Yare oo hadda ah bare cilmiga taariikhda siyaasadda Soomaaliya ka dhiga jaamacadaha SIMAD iyo CITY waa taliyahii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay 1962 - 1966. Shaqada Booliska wuxuu ka bilaabay karraaninimo isaga oo si rasmi ah booliska Somaliland ugu biiray April 1955tii. Markii uu shahaadada qaanuunka ka qaatay machadkii tababarrada ee Sheekh ayaa lagu qoray Saldhiga booliska ee Berbera oo uu saddex bil ka shaqeeyay, halkaas ayuu ku guursaday, kadibna waxaa looga sii bedelay saldhiga booliska ee Hargeysa.

Markii uu 1959kii ka soo laabtay machadka Metropolitan Police ee magaalada London oo uu sanad ku maqnaa ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska ee magaalada Hargeysa. Wuxuuna xilkaas hayay ilaa maalmihii xurriyadda.

Waxaana u xigtay 10 sano uu Wasiir ka ahaa Dowladdii Kacaanka. Wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha(1974-1976), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada(1977-1978), Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga(1978-1982) iyo Wasiirka Gaadiidka(1982-1984).

Comments

Popular Posts